Weerar culus oo habeenimo oo Ruushku ku qaaday Ukraine ayuu sheegay madaxweynaha Ukriane Volodymyr Zelensky in taasi muujisay in ‘Ruushku uusan rabin nabad,’ xilli isagu isku diyaarinayo wareeg cuusb oo wadahadallo nabadeed ah.
Zelensky ayaa hadalladan jeediyay isagoo ku sii jeeday Florida, halkaas oo uu Axadda kula kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay uga wada hadlaan qorshe nabadeed oo cusub oo ka kooban 20 qodob, kaas oo ay ku heshiiyeen ergooyin Mareykan iyo Ukrainian ah.
Weerar gantaallo iyo diyaarado drone ah oo socday 10 saacadood, kuna wajahnaa caasimadda Ukraine, ayaa sababay dhimashada laba qof halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Burburka gaaray kaabayaasha tamarta ayaa sababay in 40% guryaha la deggan yahay ee Kyiv iyo degmooyinka ku dhow ay waayaan adeegsiga diirimadka, sida uu sheegay Wasiirka Horumarinta Ukraine Oleksiy Kuleba
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in hubka riddada dheer loo adeegsaday bartilmaameedka xarumaha tamarta, kaas oo ay sheegtay in loo isticmaalay “danta Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine iyo shirkadaha dhismaha militariga iyo warshadaha Ukraine”.
Qoraal uu soo dhigay Telegram, Zelensky wuxuu sheegay in Ruushku uu ku weeraray Kyiv ku dhowaad 500 diyaarado drone ah iyo 40 gantaal, kuwaas oo beegsaday kaabayaasha tamarta iyo kuwa rayidka.
Sawirro ayaa muujiyay burbur waaweyn oo ka muuqda dhismayaasha dabaqyada ah iyo guryo dab qabsaday kadib weerarrada.
