Xuska sanad guuradii 80-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabada oo ay ka soo qeyb galeen saraakiil iyo madax kala duwan, ayaa intii ay socotay lagu lafa guray howlaha booliska Soomaaliyeed laga doonayo iyo sida ay tahay waqtigan kaalintooda.
Munaasabada ayaa saraakiishii ka qeyb gashay, waxa ay dhiira-gelin siiyeen ciidamadii goobta ku sugnaa, iyagoo ugu baaqay in ay bulshada saaxiib la noqdaan.
Munaasabadan, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Saraakiil sare oo ka socota booliska dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaas oo shalay soo gaaray Muqdisho.