(Hortabin Media) – Sida ay shaaciyeen hoggaanka Khaatumo State, oo ah maamulkii ay ku dhawaaqeeyn dadka reer Laascaanood, waxaa la sii daayey labbo ka mid ah maxaabiistii Somaliland looga qabtay dagaalkii dhacay Bishii aynu ka soo gudbnay dabayaaqadeeda
Maxaabiista la sii daayey ayey sheegeen in ay ahaayeen labbo maxbuus, kuwaaas oo sida ay xuseen qabay dhaawacyo aad u culus, waxaana lagu wareejiyey hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas.
Hay’adda caalamiga ee Laanqeyrta Cas ayaa labadan maxaabiista u fidin doonta adeeg caafimaad, maaddaama xaaladooda ay halis tahay, kadibna waxaa lagu wareejin doonaa Somaliland.
SSC Hoggaankooda ayaa shaaca ka qaaday in ay si quman ula macaamili doonaan maxaabiista gacantooda ku hartay oo ah tiro aad u fara badan, oo ay Somaliland kaga qabteen dagaalkii Goojacade looga saaray bishii la soo dhaafay.
Hadalka SSC ayaa ku soo beegmaya xilli kal hore Somaliland ay walaac ka muujisay xaaladda maxaabiista ku jira gacanta SSC, kuwaas oo ay tilmaameen in loola dhaqmayo si arxan darro ah.
Dagaalkii ka dhacay Goojacadde 25-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee August, ayaa dhaliyey khasaare aad u fara badan, waxeyna Somaliland lumisay fariisintoodii Goojacadde, oo ay iminka ku sugan yihiin xoogaga SSC Khaatumo.
WQ: Ayaanle Qoyste