Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu aad uga naxay dagaalka ka soo cusboonaaday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, wuxuuna codsaday xabbad joojin degdeg ah.
Xabad joojintii u dhaxeysay dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF ayaa burburtay kadib markii uu dagaal labada dhinac uu midba midka kale ku eedeeyay ka qarxay agagaarka cirifka koonfureed ee gobolka Tigray Arbacadii.
Antonio Guterres ayaa sheegay in uu “aad uga naxay” dagaalka soo cusboonaaday, wuxuuna codsaday in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha iyo in dib loo bilaabo wada-hadallada nabadeed, gargaarka bini’aadantinimo iyo soo celinta adeegyada bulshada ee gobolka.
Sidoo kale, madaxa Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa ku baaqay “dejinta colaadda” iyo dib u bilaabista “wadahadallada lagu raadinayo xal nabadeed”. Moussa Faki ayaa bayaan kasoo baxay Midowga ku yiri “Midowga Afrika wuxuu mar kale ku celinayaa sida ay uga go’an tahay in ay la shaqeeyaan dhinacyada si loo helo hannaan siyaasadeed oo la isku raacsan yahay, danta dalkana ay ku jirto”.
Dalal badan oo caalamka ah oo uu ku jiro Mareykanka ayaa sidoo kale baaq u dirty labada dhinac iyagoo dalbaday in xabadda la joojiyo laguna noqdo wadahadalada nabadda.
Ahmed Dhaqane, Nairobi