Sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helayno waxaa saacadihii ugu danbeeyey gudaha Soomaaliya soo galay cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Itoobiya, kuwaas oo ka soo gudbeen xadka Soomaaliya gaar ahaan dhanka xuduudka magaalada Feerfeer.
Xogaha Hortabin Media ay helayso ayaa tilmaamaya in ciidamada ka socda Itoobiya ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka soconaya deegaannada maamulka Hirshabeelle.
Sidoo kale, xogaha ayaa xaqiijinaya in ciidamadan ay tagi doonaan deegaannada uu dagaalka ka soconayo ee gobolka Shabeellada Dhexe, si halkaasi looga saaro kooxda Al Shabaab, oo dagaalka lagula jiro uu daba dheeraaday.
Ilaa iyo iminka ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay Militeriga Itoobiya, kaasi oo la xiriira ciidamada yimid gudaha Soomaaliya iyo qorshahooda dhabta ah, waxaase la rumeysan yahay in arrinta ay ku timid dalab ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan Aby Axmed ku soo dhaweeyey Muqdisho.
Si Kastaba Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM ee dhawaan ka billawday Soomaaliya, waxaana meesha ka baxay khilaaf muddo u dhaxeeyay labada dal, kaasi oo salka ku hayay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, inkastoo weli ay socdaan wada hadallada Soomaaliya iyo iyo Itoobiya uga furan Ankara, oo ah mid uu garwadeen ka yahay Turkiga.