Xog rasmi ah oo ay heshay Hortabin Media ayaa sheegeysa in dhawaan la filayo in is-baddel iyo Isku shaandheyn lagu sameeyo Gollaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Isku Shaandheyntan la filayo ayaa timid kadib markii Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada lagu helay falal la xiriira tahriibin iyo iibinta Baasaboorada.
Warbixino lala wadaagay Xafiisyada madaxda dalka ugu sareysa ayaa caddeynaya in Wasiir ku xigeen ka tirsan Xukuumadda uu ku kacay fal tahriibin ah, isagoo Safaarada Talyaaniga geeyey Lix Gabdhood oo uu tahriibinayey.
Baaritaan la sameeyey ayaa muujinaya in Gabdhaha aanay ka mid ahayn Shaqaalaha rayidka ee Dowladda Soomaaliya, waxaase fajac noqotay in ninkan gabdhahan uu ku sheegay dhamaantood in ay yihiin Xaasaskiisa, taas oo abuurtay shaki badan.
Safaarada Talyaaniga oo tuhunkaas qabto ayaa dowladda Soomaaliya la wadaagtay arrintan, waxaana madaxda sare ee dalka loo diray warqad ay dhan yihiin macluumaadka uu ninkan u diray Safaarada Talyaaniga.
Safaarada ayaa Wasiir ku xigeenka weydiisay su’aalo la xiriira kiiskan oo ah sababta hadii xaasaskiisa ay yihiin uu ugu sameyn waayay baasaboor Diblumaasi iyo in uu keenno cadeyn rasmi ah sida meher, maaddaama tirada gabdhaha ay aad u badan tahay.
E-mailka Safaaradda talyaaniga ay u dirtay Wasir xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya Cali Ifiye oo ka mid ah xubnaha ku eedeysan tahriibinta ayaan bixin weli Jawaab lagu qanci karo.
Safaarada ayaa sidoo kale madaxda dalka la wadaagtay macluumaadka ku qornaa dhammaan Warqadaha ka soo baxay xafiiska Wasiir xigeenka Wasaaradda kalluumeysiga Cali ifiye oo ay ku lifaaqanyihiin warqado uu wasaaradda arimaha dibadda ah oo uu ku saxiixnaa wasiir xigeenka wasaaradda arimaha dibadda.
Inkastoo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaarada arrimaha Dibbada ay dagaal kula jirto arrintan marar badana ay ka digtay ka ganacsiga Baasaboorka Shaqaalaha iyo dhoofinta dadka, hadana waxey arrintu u muuqataa mid halkeedii ka sii socota.
Dowladda Soomaaliya ayaa waqtigan looga fadhiyaa ka hortaga arrimaha noocan oo kala ah, kuwaas oo dhaawici kara sharafta iyo qayimka dowladnimo.