Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya, oo deggaan ahaan ka soo jeeda Hirshabelle ayaa gurmad noocyo kala duwan isugu jira la gaaray dadka ka barakacay Magaalada Baladweyne ee ay saameysay Fatahaada webiga Shabeelle.
Dadkan barakacayaasha ah, ayaa la gaarsiiyey Cunno, Biyo, iyo Baco ay ka galaan cad-ceeda maalintii iyo qabowga habeenkii.
Dadka la gaarsiiyey deeqdan, ayaa ka mahad celiyey, iyagoo codsi u diray bulshada qeybaheeda kala duwan, maaddaama marka la eego tiradooda aanu ku filneyn gurmadkan.
Waxaa duleedka Baladweyne ku dayacan, qoysas fara badan, kuwaas oo dhibaato xooggan ka mutay fatahaadii uu dhawaan sameeyey webiga Shabeelle.
Xaafado badan oo ka tirsan Baladweyne, waxaa buux dhaafiyey biyo fara badan, kuwaas oo bur buriyey aqalada qaar ka mid ah dadka barakacay, ilaa iyo iminkana ma jirto xal loo helay fatahada ku dhufatay Baladweyne