(Hortabin Media) – Qaar ka tirsan xildhibaanada Barlamanka ku matala beesha Jareer weyne, iyo kuwo hore uga tirsanaa Barlamanadii dalka soo maray, ayaa dowladda u diray baaq ku aaddan xariga ay u geysatay Jeneral Sheegow Axmed Cali.
Xildhibaanada ayaa si kulul uga hadlay hadalkii ka soo yeeray booliska, ee ay ku sheegeen in Sheegow uu yahay Kabtan hore uga tirsanaa ciidamada xoogga, waxeyna sheegeen in Sheegow uu yahay jeneral uu kal hore dalacsiiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanada ayaa dowladda ugu baaqay, in ay guddi u saarto dagaalkii iyo eedeyntii loo jeediyey Sheegow, iyagoo dalbaday inuu caddaalad helo.
Sabtidii ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya ay xabsiga u taxaabtay Sheegow Axmed Cali, kaas oo lagu eedeeyey in ciidamo taabacsan ay dhac ka geysteen gudaha degmada Dharkenleey, isagoo dagaal saacado qaatay la galay ciidamada xasilinta Muqdisho.