Waqtigan waxaa xal ballaaran loo raadinayaa khilaafka ka dhex aloosan, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo mucaaridka maamulkaasi, oo ka biyo diidsan muddo kordhinta uu damacsan yahay.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa Garoowe gaaray masuuliyiin badan oo ka soo jeeda maamulkaasi, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke iyo Cabdiweli Gaas.
Sidoo kale waxaa Garoowe soo gaaray salaadiin iyo culumo, ku abtirsata deegaanada maamulkaasi, kuwaas oo qeyb ka noqonaya nabadeynta la rabo in dhinacyada la dhex dhigo.
Sida wararku sheegayaan todobaad kadib ayaa lagu wadaa in Garoowe uu ka furmo, shir weyne lagu xalinayo khilaafka xooggan ee ka dhex aloosan hoggaanka maamulka iyo mucaaridka.
Khilaafkan ayaa kal hore sababay dagaal xooggan oo ka dhacay Garoowe, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaase dadaal loogu jiraa sidi looga baaqsan lahaa inuu mid kale qarxo.