Xiisada adag ee ka taagan Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa laga cabsi qabaa in ay ka sii darto kadib dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi.
Daraad dagaalkii dhacay oo u dhaxeeyey ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaridka iyo kuwo ciidamada dowladda ee uu hoggaamiyo Deni ayaa geystay khasaare kala duwan.
Dagaalkii shalay ayaa yimid kadib markii mucaaridku ay diideen soo dhaweyn loo sameynayey wiil Youtuber ah, oo taageera siyaasada Saciid Deni.
Mucaaridka oo ninkan ku eedeynayey inuu baraha bulshada ka aflagaadeeyo, ayaa weeraray fagaare Garoowe ku yaalla oo lagu soo dhaweynayey, waxaana halkaasi ku geeriyooday labbo qof oo shacab ah, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.
Xiisada ayaa laga cabsi qabaa in iminka ay soo cusboonaato, maaddaama Deni uu amray in la soo xiro askartii weerarka ku soo qaaday fagaarihii soo dhaweynta ka socotay.
Mucaaridka ayaa horey Deni uga diidanaa doorashada qof iyo codka ah, ee uu rabo in ay ka dhacdo gudaha Garoowe, waxaana ismari waaga jira uu sababi karaa colaad iyo dirir hor leh.