Xiisadda dagaal oo u dhaxeeyso laba maleeshiyo Beeleed ayaa maanta ka taagan degaanka Laan Buraale oo u dhow Balli-dhiig ee xad beenaadka Galgaduud iyo Dowlad degaanka Soomaalida ee Gobolka Qoraxeey.
Shalay iyo marar hore waxaa halkaasi ku dagaalamay laba maleeshiyo Beeleed, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalkii ugu danbeeyey ku geeriyooday laba Ruux, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira shacab iyo Maleeshiyadii dagaalamaysay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dhinacyada dagaallamay ay maleeshiyaad badan keeneen degaanka Laan Buraale, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan in dushooda lagu dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xiisadu ay weli kacsan tahay, isla markaana dadka qaarkood ay barakacayaan.