(Hortabin Media) – Xiisad dagaal beeleed ayaa saakay ka taagay degmada Gallaadi oo ku taalla xadka uu Gobolka Galgaduud la leeyahay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Xiisadan ayaa ka dhalatay kadib markii Isniintii maleeshiyo hubeysan ay dishay 5- caruur ah, sababo la xiriira aano qabiil.
Dhacdadan oo aad looga argagaxay ayaa waxaa geystay maleeshiyo beeleed, waxaana xilliga caruurta la dilayey ay jiifeen meel aan ka dheereyn dugsigooda Qur’aanka.
Xaaladda ayaa saakay kacsan, waxaana hub aruursi ku jira maleeshiyada ku heybta ah caruurtii la dilay, taas oo xaaladda sii adkeyneysa.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax waan waan nabadeed ah, oo dhinacyada la dhex dhigay, waxana saacadaha soo socda laga cabsi qabaa inuu halkaasi ka qarxo dagaal beeleed, kaas oo sida la ogyahay inta badan geysta khasaare kala duwan.