Wararka ka imaanaya degaanka sheerbi oo ka tirsan gobolka Karkaar ee puntland ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay halkaas ka taagan tahay .
Xiisada ayaa u dhexeysa laba maleeshiyo Beeleed oo halkaas ka soo wada jeeda oo collaada u dhexeysa ay in muddo ah soo taagneyd.
Xiisadan ayaa daba socota dagaal maalintii shalay ahayd labadan Maleeshiyo beeleed halkaasi ku dhex maray, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay dagaalkii shalay waxaa ku geeriyooday labo qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale, welina ma jirto cid dhex gashay dhinacyada dagaallamaya.