Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin, wuxuuna madaxda Asluubta ku wargaliyey in ay keenaan xog deg deg ah, oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.
Xeer ilaaliaha ayaa sheegay in falkaasi uu abuuray anfariir iyo cabsi badan, taas oo lumineysa kalsoonida shacabka, wuxuuna sheegay in lala xisaabtami doono cid walba oo falkaasi lug ku lahayd.
Dhinaca kale udoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xabsi la’aan, taasna ay keento inta badan in la sii daayo dad xukunaa oo aan dhameysan xabsiyadooda, maaddaama dad cusub la soo xirayo.
Falkii ka dhacay xabsiga dhexe ayaa abuuray shaki aad u badan, waxaana dadka xog ogaalka ah ay sheegayaan in hub loo dusiyey maxaabiis ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo ku xukunaa dil toogasho ah, kadib markii laga qaaday laaluush.
Waa markii labaad oo dhacdadan oo kale xiliyo isku dhaw ay ka dhaceyso Xabsiga dhexe, waana mid qal qal badan ku abuurtay bulshada.
Ragii hubka loo gacan galiyey dhamaantood oo ka kooban 5-ayaa la toogtay halka ay hore u galaafteen 3 askari oo ka tirsanaa ciidamadii xasbiga ilaalinayey. iyadoo falkan uu dhaawac ka soo gaaray maxaabiis ku dhaw 20 qof.