Siyaasiyiinta mucaaridka ee xil-doonka ah ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey si aad ah u dhaliilayey hoggaanka sare ee dalka, waxaana siyaasiyiintan ay si cad uga hor yimaadeen dhowr tallaabo oo uu Xasan Sheekh qaaday.
Siyaasiiinta Mucaaridka ayaa hore u dhaliilay qorshaha Madaxtooyada ee ku wajahan iibinta dhulka danta guud iyo barakicinta lagu hayo dadka rayidka ah ee halkaasi degan, waxaana siyaasiyiintan ay arrintaasi uga hadleen si adag.
Siyaasiyiinta mucaaridka oo ay xilligan ugu fir fircoon yihiin Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur, ayaa sidoo kale dhaleeceeyey heerka uu marayo khilaafka u dhaxeeya dowaldda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Shalay oo ugu danbeysay Siyaasiyiintan ayaa Madaxweynaha ku dhalliilay heshiiskii uu Ankara kula soo gaaray Itoobiya, waxaana si cad ay u sheegeen in Itoobiya ay u socoto hanashada badda Soomaaliyeed.
Si kastaba Xasan oo raggan jaal la ahaa xiligii Farmaajo ayaa iminka u muuqda mid dhagaha ka dabooshay dhaliilaha iyo talooyinka ay jeedinayaan, waxaana dhowr jeer ay ka dalbadeen inuu miiska wada hadalka ku soo laabto, inkastoo Madaxweynuhu aanu muujin wax fursad ah oo uu arrintaasi u hayo