Waxaa maalintii shalay ahayd dib xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho uga furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Shirkan waxaa ka maqan madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo bidhaamineysa in Xasan Sheekh uu ka biyo diiday inuu u lug xirnaado labada nin.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaatay go’aan la mid ah kii Madaxweynihii hore ee Farmaajo, wuxuuna u muuqdaa mid iska diiday hirgalinta danaha qaaska ah ee siyaasiyiintaasi.
Saciid Deni hoggaamiyaha Puntland oo keli ku ahaa dagaalka dowladda dhexe ayaa waqtigan helay Axmed Madoobe, oo horey jaal siyaasadeed iyo saaxiibo rasmi ah oo hal meel ka wada duula ay ahaayeen.
Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa khilaafkii jiray, waxaana cad in ay soo bixi doonto tabashooyin kala duwan, maaddaama la filayo in shirka golaha wadatashiga ay ka soo baxaan go’aano.
Si kastaba Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, dowlad-dhiska iyo doorashooyinka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka dalka.