Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan billaabeysa diiwaan-gelin ay ku sameyneyso xarumaha caafimaadka dalka, iyo dhaqaatiirta ka howl gasha, si ay xog sugan oo dhigaal noqon karta u hesho
Hadalka ayaa waxaa ka dhawaajiyey Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Cali Xaaji Aaden, kaas oo xusay in xitaa la tijaabin doono tayadooda iyo adeegyada caafimaad ee ay bulshada u fidiyaan.
Wasiirka ayaa xusay in arrintan ay fursad muhiim ah u tahay shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo heli doono adeeg caafimaad oo la isku haleyn karo, maaddaama irdaha loo laabayo kuwa been abuurka ah.
Wasaaradda Caafimaadka, ayaa ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ka dalbatay in ay kaalin ka geystaan howshan, maaddaama ay iyagu xoggo dheeri ah ka hayaan xarumaha qaar.
Soomaaliya 30-kii sano ee ugu danbeysay wey adkeyd in la helo adeeg caafimaad oo la isku haleyn karo, waxaana caasimadda iyo gobollada dalka buux dhaafiyey dhaqaatiir been abuur ah oo furtay xarumo caafimaad.
Ragga Sheeganaya xirfada dhaqtarnimo ee aysan lahayn, ayaa doonaya oo qura in ay dhaqaalle ka sameeyaan, bukaanada xaaladaha adag wajahaya ee soo maciinsanaya xarumahooda caafimaad.
Waxaa inta badan dhacda in xaaladda caafimaad ee qofka bukaanka ah ay ka sii darto, sababo la xiriira aqoon yarida dadka furtay xarumaha caafimaad ee dhaqaalle doonka ah, oo dawooyin qaldan siiya qofka, taas oo aakhirka keenta inuu u geeriyoodo dhibaatadii uu ka dhaxlay dawooyinkii la siiyey.
WQ: Ayaanle Qoyste