Qaxootiga ku cusub xerada qaxootiga Xagardheer oo tirsan xeryaha Dhadhaab, ayaa waqtigan noloshooda laga deyrinayaa, waxaana ka soo yeereysa qeylo dhaan aad u xooggan.
Qaxootigan dhawaan galka ah ayaanan weli helin kaarka rasmiga ah ee qaxootiga iyo boonnada raashinka toona, waana arrinta walaaca keeneysa.
Qaxootigan ayaa wajahaya xaaladd cunno la’aan ah, waana kuwo iminka ku kor nool dadkii uga soo horeeyey xerada Xagardheer.
Waxgaradka iyo odayaasha qaxootigan dhawaan galka ah, ayaa dalbaday in arrimahooda loo fududeeyo isla markaana la siiyo kaararka aqoonsiga, si ay ula jaan-qaadaan nolosha ka jirta xeryaha Dhadhaab.
Dadka ku jira Xeryaha qaxootiga kenya, ayaa badankood ah Soomaali, kuwaas oo ka cararay xaaladaha amni iyo kuwo cimilo ee dalkooda.