Maanta waxaa degan Xaaladda Degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib weerar ay Al Shabaab shalay ku soo qaadeen deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmadan.
Weerarkii shalay ee Al Shabaab waxaa iska caabiyey ciidamada deegaanka iyo kuwo dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi, waxaase uu dhaliyey khasaare kala duwan.
Dagaalkii shalay Ruun-nirgood ka dhacay oo socday wax ka badan 5-saacadood, ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wallow markii danbe Al Shabaab laga saaray degmada.
Intii uu socday dagaalkii shalay Al Shabaab ayaa duqeeyey Masjidka Daaru-nicma, waana markii labaad oo ay beegsanayaan masjidkaasi, sida uu inoo sheegay Gudoomiyaha degmada Ruun-nirgood. Macallin Muxidiin Kulmiye.
Waxaa maanta degan xaaladda degmada, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo xoogaga deegaanka, inkastoo weli shacabku ay muujinayaan cabsi la xiriirta in mar kale uu dagaal halkaasi ka qarxo.