Weli waxey xaalad aad u adag taagan tahay Magaalada Baladweyne, taas oo ka dhalatay fatahaadii uu sameeyey webiga Shabelle, kaas oo ku fatahay xaafado ka tirsan kuwa Magaalada.
Webiga ayaa si gaar ah ugu fatahay xaafadaha bari ee Magaalada Baladweyne, waxaana kordhaya dadka ka barakacaya aqaladooda.
Barakacayaasha ayaanan weli helin wax gurmad ah, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladdu ay ka sii darto, maaddaama biyaha webiga ay si aad ah u biyo dhigeen xaafadaha Bari.
Barakacayaasha ayaa maciin biday duleedka Magaalada, halkaas oo ay ku wajahayaan waayo aad u qalafsan, waxeyna dalbanayaan in lala soo gaaro gurmad deg deg ah.
Dhawaan ayey ahayd markii dowladda Soomaaliya ay soo saartay digniino ku aaddan saameynta ka dhalan karta roobabka da’aya oo ah kuwo wata dabeylo, waxeyna dowladdu kal hore ku wargalisay shacabka in ay ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga.