Xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla duleedka Muqdisho, ayaa waqtigan laga soo warinayaa xaaladdo caafimaad darro, oo sii wajahay dadkii halkaasi ku sugnaa.
Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi waxaa ku dhacay xanuunka kor cun cunka, iyadoo ay jiraan caruur u geeriyootay kiisas la xiriira shuban biyoodka.
Dowladda Soomaaliya ama maamulka gobolka Banaadir, war badan kama hayo xaaladda dadkaasi oo liidata, xiriir aan la sameynayna wey diideen in ay ka jawaabaan xaaladahaasi.
Dadkan tabaaleysan ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u fidiyaan kaalmo wax ka baddesha noloshooda.
Dadkan ayaa isugu jira kuwo dhawaan gal ah, iyo kuwo goor hore soo barakacay, sababo la xiriira abaaraha ku dhuftay gayiga Soomaaliya.