Waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan la filayaa inuu Turkiga ugu laabto Wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheekh, kaas oo dhawaan Shil gaari ku dilay nin Turki ah.
Wiilka Madaxweynaha ayaa Turkiga ku wajihi doono, maxkamad la xiriirta, Shilkii ka dhacay Istanbul ee uu ku geeriyooday Yunus Emre Gocer, oo ahaa 38-sano jir.
Maxamed Xasan Sheekh, ayaa gaarigiisa ku dhuftay Mooto uu watay muwaadinkan Turkiga ah, kaas oo 6-dii bishan ku geeriyooday Isbital ku yaalla Istanbul, oo ah halka uu shilku ka dhacay.
Maxamed ayaa usoo baxsaday Soomaaliya, ka hor inta aanay saraakiisha Turkiga amrin xayiraada safarkiisa, balse waxaa lagu wadaa inuu dhawaan ku laabto Turkiga.
Madaxweynaha Soomaaliya oo wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay in wiilkiisa uu tagayo Turkiga, si ay dhinac ugu dhacdo kiiska la xiriira geerida ka dhalatay shilka ka dhacay Istanbul.