Hay’adda QM ee Cunnada Adduunka ayaa ku dhawaaqday inay jarayso kaalmooyinka cunnada ee boqollaal kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la tacaalayaan saameyn ba’an oo ka dhalatay isbedelka cimilada iyo heerar daran oo gaajo ah, sida ay ku warrantay wakaaalada warrarka ee AP.
WFP ayaa sheegay in tirada dadka helaya gargaar degdeg ah oo cunto ah ay hoos uga dhici doonto 1.1 milyan bisha Agoosto ilaa 350,000 bisha Nofeembar, sababo la xiriira “xaalado aad u darran oo dhanka maalgelinta ah.”
WFP ayaa ka mid ah hay’addaha Qaramada Midoobay ee la dhibaatoonayey dhaqaale la,aanta darran ka dib markii dowlado badan oo Maraykanku ka mid yahay ay dhimeen kaalmadii dhaqaale ee ay ku bixin jireen arrimaha gargaarka gaar ahaana dalalka xaaladaha adag ay ka jiraan ee Afrika.