Koox ka tirsan Al Shabaab ayaa weerar qaraxyo ku billawday ku qaaday Hotelka SYL oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.
Weerarkan ayaa socday saacado badan, waxaana Hotelka gudaha u gashay dabley hubeysan, kuwaas oo tooganayey dadkii Hotelka ku sugnaa.
Hotelka SYL ayaa xilligii weerarka lagu qaadayey, waxa uu shir uga socday waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha Xawaadle, oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega Hiiraan.
Dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ah, Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad Cabdixamiid Fanax, Xildhibaan Cismaan Cali, Xildhibaan Fanax Cabdi, xildhibaan Ismaaciil Iidow oo ka waxa tirsan golaha shacabka, Senator Cabdirisaaq, afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale, Weriye Xasan Cadde iyo Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Feysal Caraale, iyo dad kale oo ilaa iminka aan la shaacin magacyadooda.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ayaa gaaray Hotelka weerarka lagu qaaday, iyagoo halkaas ka soo badbaadiyey dad aad u fara badan oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan dowladda.
Weerarka ayaa ugu danbeyn la soo afjaray, wallow uu noqday mid argagax ku beeray dadka rayidka ah, oo maalmihii ugu danbeeyey ka nastay weerarada ceynkan oo kala ah.