Muddo badan oo amni iyo xasilooni ay ku naalooneysay Caasimada Muqdisho waxaa shalay galab gil gilay qaraxyo uu xigay weerar toos ah, kaas oo lagu qaaday Godka Jilacow oo ah saldhiga ugu weyn ee hay’ada sirdoonka Soomaaliya.
kooxda Al Shabaab ayaa gudaha Godka jilacow ku gashay gaari uu ku buufsan yahay shaabada Ciidanka Nisa, waxeyna gudaha godka jilacow ka dhex dagaallamaayeen ku dhawaad 8 saacadood, taas oo keentay in xalay 8 saac la soo afjaro iyadoo goobta lagu dilay 6 nin, kuwaas oo ahaa dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarkan fulinayey.
Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli isla shalay wadooyinka muqdisho laga qaaday dhagxantii ku go’neyd, dowladduna ay sheegtay in ay amniga caasimada xaqiijisay.
Tallaabada dowladda ayaa noqotay mid la eersaday, waxaana muuqda waqtigan dul duleelo dhanka amniga ah.
Sida ay qabaan qubaradu wax fudud ma ahan in la weeraro mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan hay’ada sirdoonka qaranka, oo misana kaabiga ku heysa madaxtooyada dalka.
Weerarka al shabaab ayaa diraya fariin muujinaysa inay weli ku dhex milan yihin hay’ada amniga, waxaana waqtigan dowladda looga fadhiyaa in ay la timaado isla xisaabtan rasmi ah,, maadaama aan si fudud lagu gaari karin Godka Jilacow.
Godka Jilacow waxaa ku xirnaa xubno badan oo Al Shabaab ka tirsan, waxaana soo if baxaya in qaarkood ay baxsadeen halka kuwo kalana gacanta lagu soo dhigay.
Weerarkan ayaa walaac iyo wal wal ku abuuray dadka caasimada, waana mid geesta kale bidhaaminaya in aan wax darsi ah laga dhaxlin weeraradii hore ee Al Shabaab.
ilaa iyo iminka lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaase xusid mudan in marka laga soo tago xubnihii shabaab ee la dilay in weerarkani ay ku geeriyoodeen ciidamo ka tirsan kuwa boliiska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo weerarkan soo afjaray.
Si kastaba waxey ahayd 31-kii Agoosto 2014-kii xiligii ugu danbeysay ee la weeraro Godka Jilicow waxaa waqtigaasi joogey madaxweynaha iminka Xafiiska joogo Xasan Sheekh, weerarkan dhacay shalay ayaana noqonaya kii labaad ee godka Jilacow lagu qaado isla Xasan Sheekh oo talada haya