(Hortabin Media) – Maanta waxaa xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ka furmi doona, kulan ay yeelanayaan gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Kulankan waxaa Soomaaliya uga qeyb gali doona Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kal hore oo axadii ah gaaray New York.
Kulankan waxaa si gaar ah loogu lafa guri doonaa, caqabadaha ay wajahayaan dalalka soo kabanaya, is baddelka cimilada, amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doona madasha, ayaa la filayaa inuu gollaha ka dalbado taageero dhan walba leh, maddaama ay Soomaaliya tahay dal iminka dhibaatooyin kala duwan ka soo kabanaya.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale gollaha weydiisan doona in Soomaaliya laga qaado cunno qabateynta hubka ee saaran, taas oo saameyn ku yeelan karta gulufka dagaalka ay dowladdu kula jirto Al Shabaab.
Kulanka ay yeelanayaan gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ah kalfdhiga 78-aad ee gollaha, wuxuuna socon doonaa ilaa 21-ka bishan September, waxaana laga dhursugayaa waxyaabaha ka soo baxa.
WQ: Ayaanle Qoyste