(Hortabin Media) – Waxagaradka iyo Salaadiinta ku dhaqan deegaanada Somaliland ayaa baaq u diray Madaxweynaha Maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.
Waxgaradka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu isu taago xalinta colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanada maamulka, taas oo caqabad ku noqon karta amniga deegaanadaasi.
Waxey sidoo kale usoo jeediyeen Madaxweynaha inuu soo de-dejiyo doorashada, madaxtinimo ee maamulkaasi, isla markaana uu tartamo, haddii laga guuleystana uu kursiga wareejiyo.
Odayaashan oo kulan ku yeeshay Hargeysa ayaa Muuse Biixi u soo jeediyey inuu kulan deg deg ah la qaato xisbiyada mucaaridka ayna ka arinsadaan sidii ay doorasho loo dhan yahay u dhici lahayd.
Lama ogga in Madaxweynaha Somaliland uu ajiibi doono baaqan, maaddaama uu horey uga dhaga adeegay dhowr baaq oo loogu soo jeedinayey inuu xal u raadiyo is faham waaga siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.