Waxgaradka iyo salaadiinta reer Puntland oo shalay galinkii danbe kulan yeeshay ayaa ka fariistay xiisadii ka taagneyd Garoowe ee ka dhalatay doorashadii gollaha deegaanka.
Doorashadan qof iyo codka ah, ee gollaha deegaanka oo ay ka horyimaadeen siyaasiyiin uu ugu horeeyo Khadar Faroole, ayaa keentay in xiisad coladeed ay ka oognaato gudaha Magaalada Garoowe oo ah xarunta uu ku shaqeeyo Maamulka Puntland.
Xiisada waxey sababtay in maalmo kooban aanu shaqeyn garoonka diyaaradaha, iyadoo aanay wax doorasho ah ka qabsoomin degmooyin ka mid ah Magaalada Garoowe, sababo ku wajahan xiisada.
Waxgaradka kulmay ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ka kooban dhowr qodob, kuwaas oo ay ugu waa weyn yihiin in la qabto doorashada deegaannada Dangaronyo iyo Godobjiiraan.
Waxgaradka ayaa sidoo kale ku baaqay in aan la faragelin Dastuurka maamulka iyo doorashada qabsoomeysa billawga sanadka inagu soo aaddan gaar ahaan 6-bisha January.
Warsaxaafadeedkooda waxaa kale oo ku jiray in Ciidamada taabacsan mucaaridka ay ka baxaan magaalada Garoowe, isla markaana lagu celiyo saldhigyadii ay ku jireen, si amniga uu dib ugu hagaago, awoodna loogu helo in doorasho ay ka dhacdo deegaannadii aanay ka qabsoomin.
WQ: Ayaanle Qoyste