Waxbarasho la’aan aad u ba’an ayaa hareysay caruurta qoysaska barakacayaasha ah, kuwaa oo iminka ku sugan dayac xanuun badan.
Caruurtan fursad uma helin waxbarasho maadi ama mid diini ah, sababo la xiriira dhaqaale yarida heysata qoysaskooda oo aanan awoodin bixinta lacagaha ay qaataan xarumaha waxbarashada gaarka loo leeyahay.
Dayaca ay ku sugan yihiin caruurtan, ayaa saameyn amni mustaqbalka ku yeelan kara Soomaaliya, sida ay qabaan aqoonyahanada, maaddaama aanay helin aqoon garaadkooda dhiseysa.
Marka laga soo tago tacliin la’aanta heysata ubadkan, waxaa sidoo kale caqabad ay ka heysataa helida adeeg caafimaad oo bilaash ah, waxaana badan inta u geeriyootay kiisaska fudud ee la xalin karo.
Waalidiinta ubadkan oo aan booqanay, ayaa dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha sama falka ka codsaday in ay kaalin ka geystaan sidii ay ubadkooda u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, si dalka iyo dadka ay u anfacaan mustaqbalka.