Wasiirro katirsan Xukuumadda Dan-Qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa gaaray furimaha dagaalka si ay u dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhowaan sheegay in Xukuumaddiisa ay tageyso Furimaha Dagaalka si loo dardargeliyo dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka ee hormuudka uu u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka NISA, mas’uuliyiin kale, saraakiil kale oo katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa ku sugan deegaannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’
Madaxda Sare Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay in ay dardargelinayaan howlgallada ka socda Gobollada Dalka, waxa ay ku baaqeen in la garab istaago Ciidamada Federaalka, Daraawiishta & Macawiisleyda.
Waxaa si dar dar leh iminka ku socda dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al Shabaab.

