Arday aad u fara badan ayaanan sanadkan galin imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee ay dowladdu qaado, sababo la xiriira maamullada iskuulladaasi oo aan diiwaan-gelin ardaydaasi.
Waqtigan Wasaarada Waxbarashada ayaa isugu yeertay dhamaan maamullayaasha xarumahaasi waxbarasho, si ay su’aallo uga weydiiyaan, waxyaabaha keenay in arydaydan aysan diiwaan-gelin.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa hore xabsiga ugu taxaabtay macallimiin badan oo maamulayey iskuullada ay ardaydan dhiganayeen, wallow markii danbe damiin lagu sii daayey.
Ardaydan oo bixiyey lacagihii imtixaanka ay ku gali lahaayeen, ayeysan usuura galin in ay qeyb ka noqdaan ardaydii imtixaanka shahaadiga u fariisatay, taas oo ku dhalisay wal wal badan.
Maamullada iskuullada ay ardaydan dhiganayeen ayaa ku andacoonaya, in ardaydan ay iskuulkooda baddel ku yimaadeen, isla markaana markoodii hore aanay ahayn fasalka 12-aad ee dugsiga sare.
Dhallinyaradan ardayda ah iyo waalidiintooda ayaa muujiyey walaac aad u ballaaran, waxeyna gudaha caasimada ka dhigeen dibadbax, inkastoo aanay u suura galin in ay galaan imtixaanka.
WQ: Ayaanle Qoyste