Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka tacsiyeey geerid Alle ha u naxariistee General Maxamuud Geelle Yuusuf.
TACSI:Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Janaraal Maxamuud Geelle Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Tacsi u diray qoyska, qaraabada, ciidanka Xoogga Dalka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Maxamuud Geelle Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxariistee Maraxuum Janaraal Maxamuud Geelle Yuusuf waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Ciidamada iyo Xukuumaddii dhaxe ee dalka isaga oo xilalka uu soo qabtay ay kamid yihiin Wasiirkii Gaadiidka Badda & Dekedaha, Taliye Xigeenka CXDS, Taliyihii Ciidanka Bada iyo Guddoomiyihii Maxkamada Badbaadada Qaranka.