Shirkadda maamusha warshadda sifaynta shidaalka ee ku taalla magaalada Haifa ee israa’iil ee ay bartilmaameedsatay Iiraan Khamiistii ayaa sheegtay in warshaddu waxyeello gaartay, balse inta badan xarumaheedu ay weli shaqeynayaan.
Sida ay werisay Reuters, shirkadda ayaa sheegtay in weerarradu ahaayeen kuwo “xaddidan” (localized), kuwaas oo waxyeello u geystay qaar ka mid ah kaabayaasha muhiimka ah, balse aysan jirin wax dhaawac ah ama khasaare naf ah.
Shirkaddu waxay sidoo kale intaas ku dartay in qaybihii wax-soo-saarka ee la hakiyay dib loo hawlgelinayo, Warshaddan sifaynta shidaalka, oo ku taalla Haifa Bay waqooyiga Israa’iil, waa xarunta ugu weyn ee sifaynta shidaalka ee dalka.
Haifa waa mid ka mid ah laba warshadood oo sifayn ah oo weli shaqeeya Israa’iil, waxayna leedahay muhiimad weyn maadaama ay bixiso ku dhowaad 60% shidaalka naaftada iyo 50% baatroolka dalka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay S&P Global.
