Waxaa lagu guda jiraa toddobaadka xoriyada, iyadoo arbacadii ay ku beeganayd 26 June oo ah 64 sano guuradii ka soo wareegtay markii gobollada waqooyi ay iska rogeen heeryada Isticmaarkii Ingiriiska.
Sidoo kale hal casho kadib ayaa loo dabaaldegayaa munaasabada Kowda Luuliyo oo ah markii ay koonfurta Soomaaliya xornimada ka qaadatay Gumeystihii Talyaaniga iyo israaca labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
Doc Kastaba Maalmaha xoriyada dadka sida weyn uga qeyb qaata waxaa ka mid ah dhallinyarada, kuwaas oo isugu soo baxa goobaha taarikhiga iyo meelaha ay bulshadu u damaashaadka tagto.
Dhallinyaradan ayaa ku soo labista dharka calanka, taas oo bisha bilicda fagaarayaasha ay ku sugan yihiin, iyadoo maalmaha xoriyada buux dhaafiya dukaamada lagu iibiyo dharka calanka, waana kuwo koox koox iskula socda, kuwaas oo wajiyadooda ay ka muuqato farxad ku aaddan mudnaanta maalmihii uu dalkooda gumeysiga ka xoroobay
Qaar dhallinyarada ka tirsan oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa wajiyadooda ku xardha ama ku sawira calanka Soomaaliya, si u weyneeyaan maalmaha xoriyada.
Baraha bulshada oo ay soomaalidu sanadihi ugu danbeeyey si aad ah u isticmaasho, waxaa maalmaha xoriyada kordha sawirada iyo muuqaallada, ay dhallinyaradu la wadaagayaan bulshada, kuwaa oo ay ku muujinayaan qiimaha ay maalmaha xoriyadu leeyihin.
Dhallinyaradaan dabaaldegeysa, dhamaantood waa kuwo ku koray xaaladaha qalafsan ee uu ehelka u noqday dalkooda muddo ka badan 30 sano, oo ay soomaalidu beylah ahayd.
Dhallinyarada dabaal-degeysa oo quluubtooda laga dheehan karo wadaniyad, waqti badan kuma bixiyaan u-kuurgalida waxyaabihii kala irdheeyey soomaalida, iyo sida ay dib ugu soo noqon karto midnimadooda, waxaase taa baddelkeeda ay diirada saaraan weyneynta xuska maalmaha xoriyada.
Sidoo kale dhallinta oo ay ku jiraan kuwa dhameystay heerarka kala duwan ee waxbarashada ma abaabuulaan doodo, nuxurkoodu yahay isku soo dhaweynta Soomaalida is diidan, oo lagu lafa gurayo tabashooyinka jira.
Qodobada ugu weyn ee arrintaas hortaagan ayaa ah, dhallinyarada oo aanan ku baraarugsaneyn cududooda, iyo xaaladaha qalafsan ee dalka, oo garaadkooda u diiday in dood cilmiyeedyo lagu xalin karo dhibaatooyinka jira, maaddaama ay daruus ka qaadanayaan siyaasada soomaalida oo ah mid ku dhisan qori caaradiis.
Dhallinta ayaanan sidoo kale dib u heybin taariikhda dalka, oo ay ku xusan tahay halgankii diiwaanka lagu qoray ee 13-kii dhalinyaro ee SYL u galeen xornimada dalka, taas oo u bidhaamin lahayd in ay yihiin cududa dalka, rabitaankoodana uu biyo kama dhibcan yahay.
Dib u soo Kabashada dowladnimada Soomaaliya ee hana qaaday 10-kii sano ee ugu danbeysay, oo wax badan ka baddeshay xaaladda amniga, ayey qubarada qaar u sababeynaan in ay tahay ahmiyada qura ee fududeysay isku soo baxyada ay sameynayaan dhallinyarada.
Walaaca kale ee jira ayaa ah in la kala xakameeyey dhallinyarada,taas oo koobtay is dhex galkii soo celin lahaa midnimada, waxaana adag in wiilka ka soo jeeda Waqooyi iyo mid koonfur ay si isku mid ah Hargeysa ugu dabaal-degaan xuska maalmaha xoriyada, iyagoo ku labisan dharka calanka Soomaaliya. taas oo muujineysa heerka ay bulshadu kala fogtahay
Si kastooy ahaato Dhallinayrada Soomaaliyeed oo boqolkiiba 75- -ka ah bulshada ayaa ka dhigan in ay yihiin numberka ugu badan ee Soomaalida, waxaana waqtigan aqoonyahanadu ay ku talinayaan in ay baraarugaan, isla markaana mideeyaan cududooda, si ay u yeeshaan riyooyin ay ka dhabeyn karaan, oo ay ugu horeyso isku soo dhaweynta Soomaalida kala irdhowday.
Inkastoo waqtigan ay Soomaaliiya kala qeybsan tahay, isla markaana muddo 30 sano ah ay bannaanka taagan yihiin gobolada waqooyi oo ku dhawaaqay gooni isu-taag, haddana dhallinta waxey muujinayaan bohalyow iyo dal jaceel, wallow aysan mar qura dhadhamin milgaha midnimada misna waa kuwo naawilaya in mar uun soomaalidu midoobaan, waase filasho ay ku dahaaran yihiin daruuro hubanti la’aaneyd.