Xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa dhanbaal hambalyo diiran ah u diray Mahamoud Ali Youssouf oo loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) ee muddada 2025-2029.
Doorashadani waxa ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo ay dalal badan oo qaarada Afrika ah ay u hanqal taagayeen kursigan waxaase ku guuleystay Mahamoud Ali Youssouf oo ah Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti, kaas oo laga filayo inuu hago ajendaha horumarinta wadajirka ah ee Afrika.
Dr. Workneh ayaa sheegay in IGAD ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso Midowga Afrika gaar ahaan Hoggaanka cusub Mudane Mahamoud Ali Youssouf si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, iyo barwaaqada gobolka iyo qaaradda oo dhan.
Qaabka ay doorashada u dhacday
Ilaa lix wareeg oo codeyn ah oo dhexmartay Yuusuf, Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo ka socday Madagascar ayaa ahaa mid qaatay ilaa toddobo wareeg. Musharraxa Madagascar ayaa tartanka ka haray ka dib wareeggii saddexaad.
Wareeggii lixaad ayaa kala reebta noqotay waxayna ku qasabtay in Odinga uu tartanka ka haro ka dib markii uu helay 22 cod halka uu Yuusuf helay 26 cod.
Iyadoo ay qassab tahay in qofka Guddoomiyaha Midowga Afrika noqonayo laga rabo in uu helo saddex meelood laba meel codadka guud ee dalalka Afrika ayaa Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu kaligii u gudbay wareeggii toddobaad, taasi oo keentay in uu kasbado codadkii loogu baahnaa in uu ku noqdo Guddoomiyaha.
Dad badan ayaa saadaalinayay in Raila Odinga oo si weyn looga yaqaanno Afrika uu yahay musharraxa la filayay in ay guusha raaci karto, laakin falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in Yuusuf uu si hoos ku waday ololihiisa, isagoo isticmaalayay aqqoontiisa dublumaasiyiinta qaaradda, taasi oo keentay inay guushu raacdo.
Tallaabadan ayaa meesha ka saartay isku deygii Raila Odinga oo doonayey in uu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika ee AUC. Tani waana mid sidoo kale soo afjaraysa rabitaankiisii ahaa inuu noqdo madaxa ugu sarreeysaa Afrika.
Waa markii labaad ee Kenya ay ku guul darreysato hanashada hoggaanka qaaradda. 2017, Aamina Maxamed oo Kenya u dhalatay ayaa wareegii koowaad heshay 16 cod, halka Moussa Faki uu helay 14 cod.
Si Kastaba Mahmoud Ali Youssouf oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa loo doortay gudoomiyaha 7-aad ee Midowga Afrika tan iyo markii la aasaasay 2002-dii.