Itoobiya iyo Somaliland waxey ku dhaqaaqeen tallaabo lala fajaco, taas oo halis galin karta xasiloonida gobolka iyo arrimaha la xiriira daris wanaaga kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhinacyadu ku kala saxiixdeen Addis Ababa.
Heshiiskan is-afgaradka ah ayaa keenaya in Itoobiya ay milkiyad u yeelato 20km oo ka mid ah dhul badeedda Soomaalida, waana arrin ay adag tahay in ay ka daadegto shacabka Soomaaliyeed.
Marka si buuxda loo eego nuxurka heshiiskan Somaliland wax faa’iido ah uguma jirto marka laga reebo in Itoobiya oo qura ay u aqoonsato dowlad madax bannaan, taas oo ah wax aan suura gali karin, maaddaama caalamka uu Somaliland u yaqaano maamul goboleed gooni goosad ah oo ka mid ah ah Soomaaliya.
Hadalada ka soo baxay Soomaaliya iyo Somaliland
Xiisadan dhawaan galka ah waxey dhimbisheedu sii qaraxday, markii shalay la maqlay go’aanka dowladda Soomaaliya, kaas soo si cad loogu qaadacay, heshiiska ay dhinacyadu gaareen.
Dowladda Soomaaliya waxey u yeeratay qunsulkii Addis u fadhiyey Soomaaliya, waxaana barlamanka Soomaaliya ay yeesheen fadhi deg deg ah, kaas oo uu khudbad ka jeediyey Madaxweynaha, laguna bidhaamiyey in aanu marnaba hirgali kari hanka Itoobiyo ee ku aaddan hanashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Xasan sheekh wuxuu sheegay in tallaabada Itoobiya ay qaadday ay gardarro iyo meel ka dhac ay ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed oo iyagana ka soo muuqday shaashadaha, ayey aragtidoodu muujineysay kuwo si xooggan uga soo horjeeda heshiiskan, oo lagu macneeyey xad-gudub ka dhan ah badda Soomaaliyeed.
Somaliland ayaa ka carootay warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya, waxeyna sheegtay in ay xor u tahay wax ay ugu yeertay madax-bannaanideeda, iyadoo qeexday in heshiiskan uu dhigayo in muddo 50 sano ah laga kireeyo Itoobiya dhul badeed 20km ah.
Damaca Itoobiya
Itoobiya oo muddo aad u dheer, faragelin ku heysay arrimaha Soomaaliya, ayaa ka gaabsatay ka hadalka arrinta, wuxuuse qorshaheedan muujinayaa in la joogo waqtigii ay suura galin lahayd damaceedii ku wajahnaa biyaha Soomaaliya, xilli ay hore u taagneyd cabsida dhanka beriga ah, oo ay kolba ku soo siqeysay.
Aby Axmed Ninka majaraha u haya, xukuumadda Addis, oo ka soo jeeda qowmiyada Oramada, wuxuu tan iyo markii uu xafiiska la wareegay April 2018-kii, uu u muuqday nin u soo dhawaanaya Soomaalida, oo albaabada u furaya siyaasadda diblomaasiyadeed oo labada dal dhex marta.
Marnaba Aby ma qarin damaciisa ku aaddan in Itoobiya ay hesho dhul badeed, ay u isticmaasho Dekad ahaan, waxaase sanado qaadatay in siyaasadiisa arrintaasi ku wajahan uu ku qanciyo Soomaalida, hase ahaatee wuxuu xilligan ka faa’iideystay rabitaanka Somaliland oo wax ka badan 30- sano gucla orad ugu jirto aqoonsi caalami ah.
Inkastoo Itoobiya aanay gacanta ku heynin ictiraafka Somaliland, misana madaxda leylisa xukuumadda Hargeysa, ayaa daneynaya in mar un ay maqlaan Itoobiya oo ugu yeereysa Xukuumad madax bannaan, taas oo aan la ogayn muhiimada ay uga dhigan tahay, maaddaama Itoobiya aanu codkaasi la qabin caalamka, oo weli dunidu Somaliland u aqoonsanaan doonto maamul gooni u goosad ah oo ka mid ah Soomaaliya.
Saameynta dowladaha Carbeed ee heshiiskan
Sida dhaayuhu daalacan karaan Durba Khilaafkan cusub wuxuu u muuqdaa mid yagleelaya is-baheysi ugub ah, oo ka dhan ah Itoobiya, waxaana arrintaasi cadeyn ballaaran u ah, wada hadalkii xalay khadka taleefanka ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhigiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siis.
Wada Hadalkooda ayaa ku soo beegmay waqti xasaasi ah, maddaama Masar qudheeda uu Itoobiya kala dhaxeeyo khilaaf muddo dheer soo jiitamayey oo ku qotamay biyo xireenka weyn ee laga dhaliyo korontada ee ay Itoobiya ka dhisaysay webiga Niil.
Waqtigan maaddaama ay hal cadow wada leeyihiin, Masar ayaa isku dayeysa in awood milatari ay ku taageerto Soomaaliya, waana arrinta ifi-faalo qiyaas ahaan bidhaamineysa in ay adag tahay in gobolka uu ka baaqsado dagaal cusub.
Dowladda Carbeed ee khilaafkan cusub daneynaya in ay saameyn ku yeeshaan waxaa qeyb ka ah dowladda Qatar, waxaana xalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu khadka taleefanka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Tamiim Binu Xamad, oo sida xoguhu sheegayaan qorsheynaya inuu dhinacyada isku soo dhaweeyo.
Qatar oo tan iyo doorashadii Xasan Sheekh ay yaraatay saameyntii ay ku lahayd arrimaha Soomaaliya, ayey wararka xuuraanka ahi sheegayaan in waqtigan ay jaal la tahay Itoobiya, kadib kulankii bilawgii sanadkii aynu ka soo gudubnay dhex maray Aby Axmed iyo Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Suldan bin Saad Al-Muraikhi.
Si Kastaba, ilaa inta Itoobiya ay ku taagan tahay go’aankeedan ku wajahan hanashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, waxaa cad in gobolku aanu ka baaqsan karin colaad hor leh, taas oo horseedi karta khatar amni, fursadna siin karta ururada xagjirka ah.