Muddo 7 Bilood ah oo ay Laascaanood wajaheysay daruufo hubanti la’aaneyd, isla markaana Cadceedu usoo baxeysay dadkeeda oo ilmeynaya, , waxey maanta u muuqdaan kuwo ka meyranayey waayihii adkaa ee ay ka dhaxleen meel marinta mowqifkooda siyaasadeed, kadib go’aankii ka soo baxay dowladda dhexe ee Soomaaliya kaas oo Khaatumo loogu aqoonsaday Maamul KMG
Mudadaasi, Laascaanood waxey ahayd mid haawaneysa, waxaana is taagay dhaq dhaqaaq walba oo nololeed oo halkaasi ka jiray, maaddaama magaalada dadkeedu badankood ay barakeen, iyagoo miciin biday deegaano ka fog Laascaanood.
Balse Kacdoonkii ay billaabeen Bishii February ee sanadkan oo qaatay waqti badan, dhiig badanina uu ku daatay, wuxuu ahaa mid ay dadka reer Laascaanood ku muujiyeen naf hurnimo, waxaana qadiyadooda ka mid noqoshada maamullada xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya, ay soo iftiintay, 25-kii bishii August oo ay u suura gashay in ay gacanta ku dhigeen aagga Goojacadde oo ahaa saldhigii ugu weynaa ee ay millatariga Somaliland ku sugnaayeen.
Qabsashada Goojacadde iyo fariisimo kale, waxey kor u qaaday hankii dadka reer Laascaanood, waxeyna niyad jab xooggan ku noqotay Somaliland, oo in ka badan 20 sano ka arrimineysa magaaladaasi.
Guuldarada Somaliland ka soo gaartay Goojacadde iyo dagaalkii Laascaanood, ee mudada dheer socday, ayaa geesta kale god dheer ku riday, rajadii ay Somaliland gucla oradka ugu jirtay 30-ka sano ee ku qotontay in loo aqoonsado dowladd madax-bannaan oo ka mid ah kuwa geeska Afrika ku yaalla, waxaana arrintaasi dhaawac gaarsiisay eedeymo loo jeediyey milatariga Somaliland, kuwaa oo lagu eedeeyey in ay tacadiyo ka dhan ah bani’aadmnimada ka geysteen Laascaanood mudadii uu dagaalka socday.
Dagaalkii Goojacadde oo ahaa mid khasaare badani uu ka dhashay, ayaa Somaliland looga qabsaday, gawaari dagaal, hub iyo Maxaabiis fara badan, waxeyna noqotay dhabar jab ku yimid qorshahoodii dagaalka.
Dharbaaxadaas ku dhacday ayaa qasabtay in maamulka uu dib u qalabeeyo ciidankiisa, kordhiyana tiradiisa, si uu mar kale usoo qaado duulaan uu ku damaacinayo, inuu gacantiisa ku soo celiyo Laascaanood.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay guul daradii Goojacadde kadib, ayaa wacad ku maray in ay aargudanayaan, waxaana waqtigan ay diyaar garow ka wadaan Deegaanka Oog oo ku yaalla duleedka gobolka Sool, taas oo bidhaamineysa in Somaliland aanay weli ka quusan damaceedii ahaa ka arriminta Laascaanood.
Bulshada Laascaanood qudhooda, oo ay hor boodayaan Salaadiintooda iyo maamulka ay yagleesheen, waa kuwo ay ka go’an tahay iska caabinta weerar kasta oo kaga yimaada Somaliland, waxeyna gudaha Magaalada ka taageen calanka maamulkooda dhawaan galka ah, iyo taallo ay ku xasuustaan dadkii ay waayeen kacdoonkii ay Somaliland ku diidanaayeen.
Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ugu aqoonsatay SSC Khaatumo maamul KMG ah, ayaa waxaa qareen ugu ahaa Hoggaamiyaha ay u doorteen maamulkaasi, Cabdiqaadir Firdhiye, kaas oo casuumaad uu ka helay dowladda dhexe, uga waramay rabitaankooda iyo aragtidooda siyaasiga ah, isagoo ku qanciyey dowladda Soomaaliya mowqifka midnimo doonka ah ee ay SSC uga mid noqoneyso maamullada dalka Soomaaliya.
Guusha laga soo hoyey meel marinta hadafkaasi, ayaa gil gishay gudaha Laascaanood, waxaana bulshada Laascaanood ay dhawaqa go’aankaasi ku soo dhaweeyeen reereyn, iyagoo dhigay isu soo baxyo ay shacuurtooda ku muujinayeen.
Somaliland ayaa iyaduna si cad uga hortami go’aanka dowladda fedraalka Soomaaliya, oo ay ku macneysay mid hurinaya xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo SSC Khaatumo.
Si kastaba, sida ay rumeysan yihiin dadka la socda xaaladda gobolka Sool ka ooggan, waxaa adkaan doonto, sida ay Laascaanood uga baaqsato dagaallo mar kale ku soo laabto, maaddaama hanjaabada Somaliland ay isi soo tareyso, welina labada dhinac ay dhufeysyo ciidan oo isku muuqda uga kala jiraan duleedka gobolka Sool.