Sida la filayo Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku kulmi doona Jimcaha berito ah ee 15-ka Agoosto gudaha gobolka Alaska, ee dalka Mareykanka si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dagaalka Ukraine.
Mareykanka ayaa kolkii hore shaaciyey in shirka uu ka dhacayo gudaha Mareykanka waxaana markii dambe xaqiijiyay afhayeenka aqalka Ruushka ee Kremlin-ka, kaas oo sheegay in goobta loo doortay ay tahay mid macquul ah,maadaama Alaska ay si juqraafi ah ugu dhowdahay Ruushka. Wuxuu intaa ku daray wareegga xiga shirkan inuu ka dhacayo gudaha Ruushka oo martiqaadkaa loo diray Trump.
Kulankan oo la wada sugayo ayaa ku soo beegmaya waqti xasaasi ah, oo ay sii kala fogaanayaan Trump iyo Putin, waxaana la filayaa inta uu kulanku socdo in lagu heshiiyo qodobo ay ka mid yihiin:
•In Ruushku qaato dhammaan gobolka Donbas ee bariga Ukraine isla markaana uu sii heysto Crimea.
•Sida uu sheegay CBS, heshiiska la soo jeediyay waxaa sidoo kale ku jiraa in Ruushku ka tanaasulo gobollada Kherson iyo Zaporizhzhia oo uu qayb ahaan gacanta ku hayo.
•Wall Street Journal ayaa soo werisay in Putin uu soo jeediyay qorshe la mid ah kan intii lagu jiray kulan dhowaan uu la yeeshay ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Moscow.
Trump, ayaa sidoo kale si cad u sheegay inay Ukraine lumin doonto qeyb ka mid ah dhulkeeda oo uu isbeddel dhul ka dhici doono Ukraine , isagoo yiri ; “ Qaar ayaa dib loo soo celin doonaa , qaar waa la isku beddelan doonaa … is dhaafsi dhul ayaa dhici doonaa.”
Hadalkan, si cad waa bilowga isbeddel ku dhacaya xeerarkii caalamiga ahaa , wuxuuna albaabka u furaya inay wax fudud noqoto oo xeerkan lagu xalliyo dal kasta haddii uu waddan ku duulo oo dhul ka qabsado… waa wax u dhigma ; inta aan lagu qabsan , adigu qabsado!.
Madaxweynaha Ukraine , Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in qorshaha ay isla wadaan Trump iyo Putin inuu yahay mid halis ah oo ay tahay in la iska diiddo, wuxuuna shirkan ku tilmaamay mid aan laga filaneyn natiijo la ayidi karo.
Zelensky , cod dheer ayuu uga hor yimid hadallada Trump ee ah in Ukraine ay dhul lumin doonto, wuxuuna yiri ; “Dhulka Ukraine , waa midka ku qoran dastuurka , mana jirto cid awood u leh inay wax ka beddesho … Shacabka Ukraine dhulkooda uma dhiibi doonaan ciddii qabsatay, mana bixin doono dhul — Go’aan kasta oo naga dhan ama la’aanteen la gaaro, waa go’aan ka dhan ah nabadda. Wax faa’iido ah ma leh, waa go’aanno dhintay oo aan marnaba hirgali doonin.”
Dalalka Yurub, ayaa iyaguna si cad u diiday qorshaha Ruushka uu ku helayo qeyb ka mid ah dhulka Ukraine , iyagoo soo diyaariyay heshiis cusub oo ka hor imaanaya qorshaha Trump — waxayna tibaaxeen in loo baahanyahay in heshiis kasta laga hormariyo xabbad -joojin iyo inay Ukraine helayso dammaanad qaad amni , sida inay ku biirto NATO, taa oo ah waxa uusan dooneyn Putin inuu maqlo.
Trump ayaa mar kale kuwa aan waxba ku lahayn wada xaajoodyada dagaalka Ukraine ka dhigaya dalalka reer Yurub, taas oo ay ka caroodeeen waxeyna sheegeen in haddii uu doonayo Trump inuu dhaqangeliyo qorshihiisa xabbad-joojinta oo ay ku jirto inay Ukraine gobollo ka tanaasusho in loo baahanyahay inuu isagana oggolaado inay Ukraine ku biirto isbahaysiga NATO — waa tallaabo haddii horey loo qaado uu Ruushka horey u ballanqaaday inuu u qaadanayo ku dhawaaqis dagaal oo uu ballaarin doono dagaalka Ukraine.
Xaaladan ayaa mar kale dib usoo celisay khilaafkii Trump iyo reer Yurub, taa oo fogeynaysa in si dhaqso ah heshiis looga gaaro dagaalka Ukraine.
Trump, oo la waydiiyay in Zelensky, lagu casuumay kulanka uu Jimcaha la yeelanayo Putin, wuxuu yiri ; “ Qorshaha qeyb kama aha … waxaan oran lahaa wuu imaan kara, balse wuxuu ka qeybgalay shirar badan saddex sanno iyo bar ayuu joogay, wax isbeddelayna ma jirin.”
Wargeyska Sunday Times ayaa ku warramay in Midowga Yurub iyo Ingiriiska aysan awoodin in ay hub siiyaan Ukraine iyada oo aan la helin dammaanada Trump, taa oo la macno inuu Zelensky ku khasban yahay dhaqangelinta go’aamada Trump.
Dhanka kale Ruushka ayaa xadka caadiga ah ka bixinaya dagaallada, wuxuuna soo bandhigay hannaan cusub oo dagaal oo khatar badan, kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed uu ku xiray miinooyinka lidka taangiyada oo ay ku tuurayaan waddooyinka, taa oo ay ka dhalanaysa inaysan ciddi adeegsan karin waddooyinka. Miinada waxay dhulka gaaraysa iyadoo aan qarxin, balse cid kasta oo waddadaa iskudayga inay adeegsato waxay la kulmaysa qaraxyo aan laga baxsan karin..! Sida ay sheegeen ciidanka Ruushka , tani waa habka uu Ruushku doonayo in ay ku fuliyaan weerarro ka dhan ah waddooyinka dadweynaha iyo go’doominta magaalooyin aysan cidna gali karin, lagana soo bixi karin. Waa in khasaare badan uu Ruushku geysanayo isagoo aan lumin askar iyo qalab kale oo milatari.
Sidoo kale Shiinaha ayaa billaabay inuu hub badan u daabulo Ruushka, iyadoo hadda labada dal ay iska indhaha tireen cunaqabateynta ay saareen reer galbeedka — warshadaha hubka iyo shirkadaha labada dal ayaana fulinaya is dhaafsiga agabka milatari, sida ay sheegtay Reuters.
Dhinaca kale Sirdoonka Ukraine ayaa warbixin ay baahiyeen waxay ku sheegeen inay ka war heleen kulan si qarsoodi ah loo abaabulayo oo 15 illaa 18 bisha September, ay magaalada Saint Petersburg ku yeelanayaan Ruushka iyo Hindiya ,iyadoo ujeeddada kulanka uu yahay si ay uga wada hadlaan qorshaha iskaashiga milatari ee sannadaha 2025–2026, oo ay ku jiraan mashaariic difaac, tababaro iyo dhoolatus milatari oo wadajir ah. Iskaashiga hadda ka dhexeeya labada dal waxaa ka mid ah inay si wadajir ah usoo saareen gantaallada BrahMos iyo qoryaha AK-203.
Hay’adda sirdoonka Ukraine SBU, ayaa todobaadkan fulisay howlgal lagu qarxiyay warshad ku taalla gobolka Nizhny Novgorod ee dalka Ruushka, taas oo ka qayb qaadata soo saarista gantaallada Kh-101 iyo Kh-32 oo loo adeegsado duqeymaha culus ee Ruushka ka fuliyo gudaha Ukraine.
Si kastaba Go’aanka Trump ee ku aaddan in Ukraine ay lumiso qeyb ka mid ah dhulkeeda ayaa noqon kara mid khasab ah, waxaana tanaasulkaasi buuxa oo ay quudaraneyso Ruushka uu soo de dejin karaa in la soo afjaro dagaalka, kaas oo bilowday markii Ruushka uu si toos ah ugu duulay Ukraine bishii Febraayo 2022.