(Hortabin Media) – Waxaa bilihii ugu danbeeyey xooggeystay weerarada rogaal celiska ee ay Al Shabaab ku soo qaadayaan goobaha gacantooda laga fara maroojiyo, waxaana weeraradan ay geystaan khasaare kala duwan.
Weeraradan oo ay badankooda Al Shabaab soo qaadaan xilliga aroortii, ayaa ciidamada lagu gaarsiiyaa khasaare aad u badan, waxaana kordha askarta nool nool ee ay Al Shabaab gacanta ku dhigeyso.
Weerarkii ugu danbeeyey waxey Al Shabaab ku qaadeen saldhigii ay ciidamada dowladda iyo kuwa Macaawiisleyda ku lahaayeen deegaanka Coosweyne ee gobolka Galgaduud, halkaasina waxaa ka dhashay khasaare baaxad leh.
Haddaba dadka aqoonta u leh arrimaha amniga iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxa ay is weydiinayaan waxyaabaha u fududeeya Al Shabaab in ay weeraradaasi geystaan?
Dadka falanqeeya Siyaasada ayaa aamisan, in dowladda aanay weli la imaan qorshe lagu xaqiijinayo amniga meelaha lagala wareego Al Shabaab, waxaana taasi ay keenta in ciidamadi goobta la wareegay ay is dhigtaan, maaddaama ay dareemayaan daal aad u badan, oo ay maalmo dhabaha ku soo jireen.
Waxaa sidoo kale arrinta dadka qaar ay ka muujinayaan tuhun la xiriira in ciidamada ay ku dhex jiraan xubno daacad u ah Al Shabaab, taas oo keeneysa in mar walba ay ku soo aadaan xilli ay ciidamadu kala daadsan yihiin oo aanu ka muuqan wax diyaar garow ah.
Siyaasyiinta qaar oo uu ka mid yahay Madaxweynihii dalka soo maray Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in aan la aqbali karin wixii ka dhacay Coosweyne, isagoo soo jeediyey in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sida uu weerarkaasi ku dhacay iyo waxyaabaha sahlay.
Al Shabaab oo weerarkii Coosweyne guullo ka sheegtay ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegeen in ay weerarkaasi ku dileey 178 askari oo ka tirsan dowladda, inkastoo sheegashadooda aan la xaqiijin karin, waxey sidoo kale xuseen in ay qabteen maxaabiis tiradooda kor u dhaafeyso ilaa 10 askari oo ka tirsan dowladda.
Dowladda Soomaaliya ayaa saldhigyo kala duwan ku lahayd deegaanka Cowswayne oo 20-KM u jira magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana sida dowladdu sheegtay weerarkii Al Shabaab ee Coosweyne ka jawaabay ciidamada Danab, kuwaas oo 47 dagaalyanano Al Shabaab ah ku dilay deegaanka Labi Kuus oo 60 KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.
WQ: Ayaanle Qoyste