Habeenimadii xalay ahayd Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa si cad u shaaciyey in Soomaaliya laga cafiyey deyntii lagu lahaa muddada dheer.
Deyntan oo gaareysay 5-bilyan oo dollar, ayaa waxaa inteeda badan laga soo amaahday: Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club, waxaana soo qaatay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.
Hanaanka deynta lagu cafiyey ayuu geedi socodkiisa soo billawday sanadkii 2012, waxana sanadkii ku xigay ee 2013, Soomaaliya ay dib ugu biirtay sanduuqa lacagta adduunka ee IMF.
Sanadkii 2015, ayey Soomaaliya billawday wada hadalo ay la yeelaneyso IMF, kuwaas oo la xiriira arrimaha dhaqaalaha iyo sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay.
Isla sanadkii ku xigay ee 2016-ka waxaa si rasmi ah loo guda galay SMP, (Hannaanka deyn cafinta), kaas oo dowladihii dalka soo maray ay xoogga saareen, iyadoo 2020 uu billawday (ECF) wajiga labaad ee hannaanka deyn cafinta.
Dadaal dheer kadib, waxaa habeenkii xalay ahaa suura gashay in si buuxda Soomaaliya looga cafiyo deyntii lagu lahaa waqtiga aadka u dheer.
FURSADA
Deynta lagu lahaa Soomaaliya ayaa dalka ku heysay caqabad aad u ballaaran, waxeyna hoos u dhigeysay in lagu kalsoonaan waayo hufnaantii dhaqaalaha, balse deynta la cafiyey ayaa soo xireysa albaabadaasi kalsooni darada muujinayey.
Cafinta deyntan ayaa sidoo kale fursad u noqoneysa dalka, iyadoo saamaxeysa in Soomaaliya ay la macaamisho dalalka Caalamka.
Deynta la cafiyey ayaa geesta kale muhiimad gaar ah ugu fadhisa hay’adaha maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo la jaan qaadaya suuqyada caalamka, maaddaama sanado badan ay Soomaaliya la maqneyd hannaanka dhaqaalaha dunida.
CAQABADA HADDII DEYN KALE LA QAATO
Culeysyo waa weyn ayaa ka dhalan kara haddii Soomaaliya ay ku dhiirato in mar kale ay doonato deyn, iyadoo aan si rasmi ah loo ogayn cida guddi doonta.
Madaxweynaha oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in aan dalka loo soo amaahi doonin deyn aanay diyaarsaneyn qorshihii lagu gudi lahaa.
Xasan Wuxuu carabka ku dhuftay in deyn walba oo hadda kadib la doonayo in la soo amaahdo ay bixineyso Hay’adda loo soo qaaday, taas oo laga rabo in ay sheegto waqtiga ay bixineyso.
Si kastaba tallaabadan ayaa noqotay mid ay aad ugu riyaaqeen shacabka Soomaaliyeed, waxeyna ku soo aadday xilli dhawaan ay Soomaaliya ku biirtay suuqyo caalami ah, oo la filayo in ay maalgashi sameeyaan.