MUQDISHO, Magaalo madax ay ku nool yihiin wax ka baddan 3-milyan oo qof, kuwaas oo dharaarna aan helin maamul gobol oo si hufan ugu adeego, taas oo ka dhigeysa in dhibanyaal u noqdaan canshuurta laga qaado.
Dhawaan dadka Caasimadan waxaa laga aruuriyey dhaqaalle fara badan, si loogu dayactiro wadooyinka halbowlaha ah ee Caasimada, dayac-tir iyo xarig jar kadib, wakhtigan oo curashada xiliga gu’ uu billaw yahay, roobab badanna la saadaalinayo Bilaha May, June iyo July, waxaa durba fashil uu hareeyey mashruucyadii dhaqaalaha badan ay ku baxeen ee lagu dhisay wadooyinka.
Roobabkii da’ay maalmihii la soo dhaafay waxey bidhaamiyaan in xaalku uu adkaan doono haddii ay yimaadaan roobab kuwaasi ka xoogan oo sida la saadaalinayo da’i doono.
Warta Siigaale, oo dhowaan xarigga laga jaray 9-kii bishan, laguna tilmaamay mashruuc muhiim ah oo lagu bixiyay malaayiin doollar, ayaa ku burburtay waqti aad u kooban. Arrintani ma muujinayso oo kaliya dhismayaal dumay, sidoo kale, waa sumcaddii maamulka Gobolka Banaadir iyo kalsoonidii shacabka oo burburtay.
Waxaa dadkan laga qaadaa canshuuro kala duwan: Sida tan ganacsiga, jid marista, qashin qaadista iyo mida guryaha haddana ma jirto adeeg la taaban karo, oo bulshada dib loogu soo celiyo, Amni, Caafimaad, Waxbarasho Wadooyin hagaagsan intuba ma helaan muwaadiniinta.
Muqdisho marka ay caasha ka soo muuqdaan daruuri biyeysan oo cishadaas di’i raba, waxey bulshadeeda u noqotaa maalin madow, sababtuna waa wal walka ay shacabku ka qabaan saameynta uu nolol maalmeedkooda ku yeelanayo biyaha roobka oo meel walba oo magaalada ah fariisanaya, taas oo hakineysa dhaq dhaqaaq walba oo nololeed oo magaalada ka jira, isla markaana galaafaneysa nolosha dad rayid ah.
Daruuftaas oo jirta, weli gobolku wuxuu doonayaa in canshuurta la bixiyo, haddaba Dakhligaas dowladda hoose xafiiskeeda maaliyada ku dhaca, Maxaa lagu qabtaaa, sidee cabashada muwaadiniinta loo xalin karaa?
Dhamaan Weydiimahan iyo Su’aal walba oo madaxda gobolka la hordhigo,wey adag tahay in ay jawaab sugan ka bixiyaan,
isku duubni la’aanta bulshada ayaa noqotay mid beylah ka dhigtay muwaadiniinta, mana oga xuquuqda lagu leeyahay iyo tan ay leeyihiin sidoo kalana ma hayaan marinkii ay u mari lahaayeen raadinta xuquuqda ka maqan, ilaa intee ayeyse qaadan kartaa in ay ogaadaan cududooda.
Si kastaba waqtian Shacabku waa kuwa aqbalay daruuftan waxaase xaqiidu tahay Muungaab iyo madaalle midna ma ahan xalka magaalada balse waa midnimada shacabka oo maanta meesha ka maqan,
