Inta aan la gaadhin bisha Diisember, waxa ay u badan tahay in Israa’iil ay mar kale duullaan ku qaadi doonto Iiraan — Waxa kale oo suuragal ah in dabayaaqada bishan September uu dhaco weerarkaasi. Iiraan dhankeedu waa ay ka warqabtaa gulufkaas ku soo foolka leh, waxana ay ku jirtaa diyaargaraw. Maaddaama ay filaysay in dagaalka Israa’iil kala dhaxeeyo uu noqonayo mid muddo dheer socon doono, waana sababta Iiraan ay hab taxaddar leh ugu maamushay gantaalladeeda kuwaas oo si weyn ay xakamaysay.
Si kastaba, markan waxa ay u badan tahay in bilawga horeba ay geysan doonto duqaymo aad u kulul, si ay dunida ugu caddayso in Israa’iil aanay gobolka oo dhan muquunin karin. waxaana Dhab ahaan, la rumeysan yahay in gulufkani uu aad uga waxyeello badanaan doono midkii hore.
Sida qubaradu sheegayaan Haddii uu Donald Trump u hoggaansamo cadaadiska Israa’iil, waxa hubaal ah in Maraykanku uu dagaal buuxa la geli doono Iiraan. Haddii ay taasi dhacdana, dhab ahaan, waxa uu dagaalkii Ciraaq noqon doonaa mid jilicsan .
Ujeeddada weerarkii Israa’iil ee bishii Juun kuma koobnayn oo qudha mashruuca nukliyeerka Iiraan. Waxa ayse u socotay in ay dib u qaabayso miisaanka awoodaha Bariga Dhexe. Xaqiiqdii Haa, mashruuca nukliyeerku waxa uu ahaa muhiim, balse yoolku waa uu ka durugsanaa. Tiraba saddex ujeeddo oo ka baxsan wiiqidda mashruuca nukliyeerka ayey ay Israa’iil u socotay in ay xaqiijiso: in ay Maraykanka ku qanciso in uu dagaal toos ah la galo Iiraan, in ay xilka ka tuurto hoggaanka Iiraan, iyo in ay Iiraan ka dhigto dal sida Suuriya iyo Lubnaan oo kale ah oo ay xilligii ay doontaba duqeyn karto, iyada oo aanu kaalmaynayn Maraykanku. Hase ahaato e, saddexdii ujeeddo mid un uma uusan suura galin, waana sababta Isra’iil ay u sameyneyso isku dey dagaal oo kale.
Balse Haddii aynu si kale u dhigno, guul aad u xaddidan ayey ay Israa’iil ka soo hoysay weerarradii Juun, In kasta oo ay Irsaa’iil doorbidaysay in Trump uu si toos ah dagaalka ula galo, isaga oo weeraraya ciidamada iyo kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan, taasi waxey noqotay mid lagu hungoobo, mareykankuna ma isticmaalin awooddii la filayey.
Sabata ayaa ahayd in Colaadaha jaadkan ah uusan degdegin Trump, wuxuunu inta badan ka doorbidaa in uu duqaymo xooggan oo degdeg ah fuliyo. Sidaas awgeed, xarumaha nukliyeerka oo qudha in uu duqeeyo waxa uu uga gol lahaa in uu dagaalka xakameeyo. Muddada gaaban , waxa sidoo kale la odhan karaa xeeladdii Trump waa ay guulaysatay, in kasta oo ay Israa’iil ka niyadjabtay, laakiin mustaqbalka dheer marka la qiimeeyo, waxa muuqata in Israa’iil ay xiisado horleh faraha u galisay. Marka laga tago duqeymo kooban, in uu Maraykanku ka gaabsaday dagaalkani waxa ay ahayd qodobkii ugu weynaa ee Israa’iil ku kallifay in ay aqbasho xabbad-joojinta.
Muddadii ay colaaddu socotay, Israa’iil waxa ay la kulantay khasaare baaxad leh: Waxa taagdarreeyay nidaamkeedii difaaca cirka, Iiraanna waxa ay, marba marka ka dambeysa, horumar ka samaynaysay in ay gantaalladeeda weydaariso. Sidaas oo ay tahay, haddana, Israa’iil waa ay sii wadi lahayd dagaalka, haddii uu Maraykanku si toos ah ugu soo biiri lahaa.
Ha se yeesho e, xisaabtu waxa ay isbeddeshay kolkii ay caddaatay in duqeymaha Trump ay ku eeg yihiin xarumaha nukliyeerka oo qudha, balse Israa’iil waxa ay noqotay mid ku guulaysatay in ay Trump colaadda soo dhex geliso, laakiin waxey awoodi weysay in dagaalka ku sii heyso Mareykanka.
Kolka arrintaas laga yimaaddo, labadii ujeeddo ee soo hadhay, si cad ayey ay Israa’iil ugu fashilantay in ay xaqiijiso, inkasta oo ay bilawgii hore guulo xagga sirdoonka ah gaartay, sida in ay dishay 30 taliye iyo 19 ka mid ah saynisyahanadii nukliyeerka ah, haddana, khalkhalkii maamulka Iiraan soo gaadhay ma noqon sidii ay filaysay. Muddo 18 saacadood gudahood ah ayey Iiraan ku beddeshay saraakiishii la dilay, dabadeedna ay weerar culus oo gantaallo ah ku fulisay, iyada oo muujisay sida ay khasaare baaxad leh uga dabbaalan karto, isla markaana ay weli awood buuxda ugu leedahay in ay rogaal celin xooggan samayn karto.
Israa’iil waxa ay filaysay in duqaymeheedu ay ka anfariirin doonaan hoggaanka Iiraan, taasina ay soo dedejin doonto dhicitaanka taliska Iraan. Sidaas oo ay tahay, xukuumadda Iiraan waxa ay sii adkaysatay isku-duubnideeda,
Sidoo kale Dilkii saraakiisha ugu sarreysa Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, si ka duwan filashadii ay Israa’iil qabtay, kama ay dhalan mudaharaaddo waaweyn iyo kacdoon maamulka ka dhan ahi.
Inkasta oo uu soo afmeermay dagaalkii Juun, iyada oo aan lagu kala calafqaadin, haddana natiijada dagaalka la qorsheynayo waxa uu go’aamin doonaa cidda wax badan ka baratay qaladaadkeedii hore, isla jeerkaasna si dhakhso ah u hawlgasha: Israa’iil ma ku beddeli kartaa gantaalaheeda difaaca xawaare ka badan midka ay Iiraan ku qaadanayso hagaajinta rideyaasheeda iyo soo buuxinta kaydkeeda gantaalaha? Mossad weli saameyn xooggan ma ku dhex leedahay Iiraan? Mise kaadhadhkii muhiimka ahaaba waxa la wada adeegsaday gulufkii hore ee la rabay in taliska Iiraan lagu beddelo?
Casharrada ay ka baratay Iiraan sida loo jabiyo difaacyada Israa’iil ee cirku ma ka badan yihiin kuwa ay Israa’iil ka baratay gufaynta goldaloolooyinka nidaamkeeda difaaca? Labada dhinac midkoodna su’aalahan si kalsooni leh hadda uga ma jawaabi karo.
Mar haddii jawaabo adag oo aad ku bixisaa aanay kuu dammaanadqaadi karin in Israa’iil ay qorsheheeda ka laabanayso, Iiraan waxa la gudboon in ay gulufka ku soo fooda leh u xusul duubato .
Si kastaba ha ahaatee wax kasta waxa kala caddayn doona go’aanka uu Trump ka qaato dagaalkaas soo socda. Waxa uu u muuqdaa, hadda in aanu doonayn in uu faraha la galo colaad dabo dheeraata. Sidoo kale, siyaasad ahaan si aad ah ayaa uu dhaqdhaqaaqiisu ugu kala qeybsamay duqaymihii uu dhawaan u geystay Iiraan. Dhanka kale, dagaalkii 12-ka cisho waxa uu banka soo dhigay, milatari ahaan, sida uu u hooseeyo kaydka gantaalaha difaaca ee Maraykanku. Xaddigii gantaalaha difaaca cirka ee gobolkan u yaallay Washignton ayaa si aad ah hoos ugu dhacay intii ay Trump iyo Biden joogeen Aqalka Cad, sababta oo ah midkoodna gobolkan kuma tiriyo meelaha ahmiyadda xaasaasiga ah u leh dalka Maraykanka.
Trump waxa uu si toos ah ugu soo dhacay dabinka Israa’iil kolkii uu oggolaaday in ay weerarto Iiraan, meel uu uga bixi karaana hadda ma muuqato, gaar ahaan haddii uu ku sii adkaysto in Iiraan ay gabi ahaanba faraha ka qaaddo tarminta macdanteeda Yuraaniyamta. Isku soo wada duub oo xeeladdii uu dagaalkii hore kaga baxay ee ahayd ‘qawda maqashii waxna ha u qaban’ ma shaqayn doonto haddii ay colaad labaad ka dhex qaraxdo labadan dal. Trump waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu si toos ah uga dhinac dagaallamo Israa’iil ama gebi ahaanba waa uu uu ka fadhiisan doonaa colaaddaas. Laakiin, in uu go’aanka dambe qaataa waxa ay u baahan tahay in uu si joogto ah dhegaha uga furaysto cadaadisyada Israa’iil oo dhan,