Tan iyo markii ay cirka isku shareetay xiisada Diblomaasiyadeed ee Muqdisho iyo Addis Ababa, waxey Soomaaliya heleysay garab istaag uga imaanayey dalalka Caalamka, kuwaas oo badankood damaca Itoobiya qaadacay.
Xiisadan ka dhalatay heshiiskii is af-garadka ahaa ee ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland, ayaa noqotay mid abuurtay hadal heyn badan, isla markaana cabsi badan ku abuurtay dalalka geeska.
Soomaaliya si rasmi ah ayey u diiday in 20km oo ka mid ah biyaheeda la siiyo Itoobiya, oo rabta in ay u isticmaasho Dekad iyo saldhig ciidan, sida ay kula heshiisay Somaliland.
Soomaalida waxey taageero muhiim ah ka heleen dalalka Caalamka, waxaana ka mid ah Midawga Yurub, oo arrintaasi ku tilmaamay mid aanan suura gali karin.
Waxaa sidoo kale ka soo horjeestay damaca Itoobiya dalalka Masar, Turkiga, Sacuudiga, iyo dhamaan dalalka Jaamacada Carabta, oo soo saaray qoraal lagu taageerayo Soomaaliya.
Waxaa Sidoo kale arrintan ka hadlay Mareykanka, Afhayeenka Wasaarada arrimaha Dibadda Mareykanka, oo warbaahinta u waramay ayaa walaac ka muujisay xiisad cusub ee ka aloosantay geeska Afrika.
Wuxuu sheegay in Mareykanka uu Somaliland u yaqaano maamul gooni isu-taag ah oo ka mid ah Soomaaliya, wuxuuna xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida dhuleed iyo mida dowladnimo ee Soomaaliya.
Dhamaan arrimahan, waa kuwo hoos u dhigaya hanka Itoobiya ee ku wajahan biyaha Soomaaliya, xilli dhawaan uu Madaxweynuhu saxiixay sharci burinaya heshiiska ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay soo ansixiyeen labada aqal ee Barlamanka.