Itoobiya iyo Somaliland waxey ku dhaqaaqeen tallaabo lala fajaco, taas oo halis galin karta xasiloonida gobolka iyo arrimaha la xiriira daris wanaaga, kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhinacyadu ku kala saxiixdeen Addis Ababa bilawgii bishan January.
Heshiiskan is-afgaradka ah ayaa keenaya in Itoobiya ay milkiyad u yeelato 20km oo ka mid ah dhul badeedda Soomaalida, waana arrin dhaliysay qeylo dhaan aad u weyn, isla markaana jahwareer galisay xaalada gobolka.
Itoobiya ayaa han weyn ka leh, in 20-km ee loo saxiixay, ay ka dhisato Dekad marin biyood u noqoto ganacsigeeda, iyo saldhig ciidan, waxaase taasi ku hor gudban Soomaaliya oo aanay marnaba arrintaasi u cuntameynin.
Marka si buuxda loo eego nuxurka heshiiskan Somaliland wax faa’iido ah uguma jirto marka laga reebo in Itoobiya oo qura ay u aqoonsato dowlad madax bannaan, taas oo ah wax aan suura gali karin, maaddaama caalamka uu Somaliland u yaqaano maamul goboleed gooni u goosad ah oo ka mid ah ah Soomaaliya.
Madaxda dowladda Dhexe ee Soomaaliya, waxey si adag uga soo horjeesteen heshiiskan, oo ay ku tilmaameen mid aan suura gali karin, waxaana Villa Somalia ay u yeeratay kal hore qunsulkii Addis u fadhiyey Soomaaliya.
Xiisada ayaa waqtigan u muuqaneysa mid cirka isku sii shareereysa, maddaama Itoobiya ay dooneyso in ay hirgaliso damaceeda, sida uu warbaahinta afkooda ku hadasha u sheegay La-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo lagu magacaabo Redwan Hussain oo carabka ku dhuftay in heshiiskan uu yahay mid bogaadin mudan, ayna xoogga saarayaan sidii ay uga gun-gaadhi lahaayeen.
Weedahaha ka soo baxaya Xukuumadda Addis ee ay ku difaacayaan heshiiskan ayaa isi soo taraya maalinba maalinta ka danbeysa waxaana qoraal ka soo baxay Milatariga dalkaasi lagu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid muhiim ah, una baahan dhaqan galin, maadaama ay kordheyso tirada dadka Itoobiyaanka oo ku sii socta 150 milyan.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa qorshaha damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, meel adag ka istaagay, waxaanay dareenkooda ku muujiyeen dibadbaxyo, hase ahaatee taasi waxba kama baddelin hankii Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.
Todobaad kadib heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, waxaa Addis gaaray taliyaha ciidamada milatariga Somaliland, kaas oo la kulmay dhigiisa dalka Itoobiya, taas oo direysa dhambaal colaadeed,iftiimineysana qorshaha Itoobiya, oo u muuqda mid awood milatari ah.
Dowladda Soomaaliya oo tallaabooyinkaasi ka jawaabeysa ayaa burisay heshiis beenaadkaasi, waxaana saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya kadib markii ay soo ansixiyeen labada aqal ee Barlamanka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale qaaday tallaabo muhiim ah, iyadoo dib Addis ugu celisay diyaar ay leedahay shirkada shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya oo aan haysan wax fasax ah oo ay ku isticmaasho hawada Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaaraddaasi oo lambarka duulimaadkeedu ahaa ET8372 ay u socotay magaalada Hargaysa, balse laga hor istaagay.
Xurgufta Dimlomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, sida la rumeysan yahay ilaa iminka waxaa ku gacan sareysa Soomaaliya, taas oo garab istaag ka heshay inta badan dalalka Caalamka.
Dhanka Somaliland oo heshiiskan ay la gashay Itoobiya ka hadashay, waxa ay eedeysay dowladda Soomaaliya, waxeyna xustay in ay u madax bannaan tahay arrimo la xiriira deegaanada ay ka arrimiso.
Somaliland oo heshiiskan faah faahisay ayaa tilmaantay in ay Itoobiya muddo 50 sano ah ka kireysay dhul badeed 20km ah, hase ahaatee ma shaacin dhaqaalaha ay heshiiskan ku qaadan doonto.
Dhanka kale Itoobiya oo muddo aad u dheer, faragelin ku heysay arrimaha Soomaaliya, ayaa waqtigan u aragtay in la joogo xilligii ay suura galin lahayd damaceedii ku wajahnaa biyaha Soomaaliya, xilli ay hore u taagneyd cabsida dhanka beriga ah, oo ay kolba ku soo siqeysay.
Aby Axmed Ninka majaraha u haya, xukuumadda Addis, oo ka soo jeeda qowmiyada Oramada, wuxuu tan iyo markii uu xafiiska la wareegay April 2018-kii, uu u muuqday nin u soo dhawaanaya Soomaalida, isla markaana albaabada u furaya siyaasadda diblomaasiyadeed oo labada dal dhex marta.
Marnaba Aby ma qarin damaciisa ku aaddan in Itoobiya ay hesho dhul badeed, ay u isticmaasho Dekad ahaan, waxaase sanado qaadatay in siyaasadiisa arrintaasi ku wajahan uu ku qanciyo siyaasiyiinta Soomaalida, hase ahaatee wuxuu xilligan ka faa’iideystay rabitaanka Somaliland oo wax ka badan 30- sano gucla orad ugu jirto aqoonsi caalami ah.
Inkastoo Itoobiya aanay gacanta ku heynin ictiraafka Somaliland, misana madaxda leylisa xukuumadda Hargeysa, ayaa daneynaya in mar un ay maqlaan Itoobiya oo ugu yeereysa Xukuumad madax bannaan, taas oo aan la ogayn muhiimada ay uga dhigan tahay, maaddaama Itoobiya aanu codkaasi la qabin caalamka, oo weli dunidu Somaliland u aqoonsanaan doonto maamul gooni u goosad ah oo ka mid ah Soomaaliya.
Si kastaba, Arrimahan waa kuwo xaaladda sii cakiraya, waxaana damaca Itoobiya lagu micneyn karaa mid qar iska tuurnimo ah, kaas oo ay ka dhallan karto, Xasilooni darro gobolka oo dhan saameysa, xilli caalamku ay baqdin ka qabaan in xiisadan ay fursad siiso ururada argagixisada ah.