Israa’iil iyo xulafadeeda ayaa waqtigan wajahaya cabsi xooggan, waxaana socda qorshe ay horboodeyso Masar, kaas oo ay isbaheysi ku sameysanayaan dalalka islaamka ah iyo kuwa carabta.
Saacadihii ugu danbeeyey Masar ayaa lagu warramaya inay diyaarisay 20 kun oo askari oo qeyb ka noqonaya qorshaha ay riixeyso ee dhismaha ciidan mideysan oo ay yeeshaan Carabta , iyagoo qaab dhismeedkooda uu la mid noqonayo sida isbahaysiga NATO, gaar ahaan qodobka shanaad oo la micno ah mid ka mid ah dalalkaa haddii la weerarro, in ay ka dhigantahay in dhammaan la weerarray. Masar waxay ka faa’iideysanaysa cadaadiska ay wajahayaan khaliijka oo hadda dareensan inuusan Mareykanka ka difaaci doonin Israa|l oo ah khatarta ugu weyn ee wajahayaan.
Hoggaamiyeyaasha ururka iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta ayaa ku shiraya magaalada Dooxa, waxana suragal ah in isbahaysigan la ballaariyo, maddaama halkaa ay joogaan dalalka Pakistan, Turkiga , Indonesia iyo Malaysia oo ah dalal leh warshadaha wax soosaarka hubka.
Qorshaha masar ayaa imaadaya xili shalay uu dooxa ka dhacay Shirka wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Islaamka iyo ururka Jaamacadda Carabta, kaas oo looga arrinsanayey jawaabta weerarkii Israa|l ay ka geysatay Dooxa iyo xaaladda ay wajahayaan Carabta oo hadda bartilmaameed u wadda noqday Israa|l ,iyadoo ay xusid mudan tahay in muddo dheer aan wax tallaabo ah la qaadan iyadoo xitaa uu socdo xasuuqa Qasa.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Badr Abdel Ati ayaa sida laga soo xigtay Cairo 24 , wuxuu shalay yiri ; “Waxaan wajahaynaa caqabado jiritaankeenna khuseeya iyo shirqoollo ka dhan ah Masar iyo guud ahaan gobolka Carabta.
Sida xogaha rasmigu sheegayaan Dalalka Carabta ayaa markii u horreysay diyaar u ah in ay tixgelinayaan soo jeedinta masar ee la xiriirtaa inay Carabtu yeeshaan ciidan wadajir ah oo isugu jira , kuwa dhulka, badda, cirka iyo ciidamo kumaandoos ah oo dhaqaalaha iyo qalabeyntoodaba ay ka qeybqaataan dhammaan dalalka ku jira ururka Jaamacadda Carabta, si ay ula jaanqaadaan marxaladda colaaddu ka buuxdo ee dunidda una helaan ciidan u diyaarsan difaac iyo weerarro deg deg ah.
Masar ayaa muddo badan ku taameysay qorshahan waxana xukuumadda qaahira ay sanadkii 2015-kii ,inta uu socday shir madaxeedkii Carabta ee lagu qabtay Sharm El Sheikh , ay soo bandhigay aragtidan ah ciidan isbahaysi ah oo ay yeeshaan dalalka Carabta , hase ahaatee markaa waxaa la isla qaatay mab’da’ ahaan, inkastoo qorshaha uusan noqon mid dhaqan gala sababo ku qotomo inan la isku waafaqin cidda hoggaaminaysa iyo halka laga dhisayo taliska dhexe ee ciidankan.
Hase ahaatee kadib weerarkii Qatar , waxaa soo if baxay dul duleelada jira, waxaana xogihii ugu danbeeyey ay sheegayaan in Israa|l, ay adeegsatay hawada Sacuudiga , si ay u weerarto Qatar , markii hore 8 diyaaradood oo F-15 iyo F-35 ah ayaa u duulay badda cas ,waxayna soo rideen gantaallo ballistic ah oo dul maray hawada Sacuudiga , kuna dhacay Dooxa, Tani ayaa ka dhigan in Israa|l ay sameysay labo xad-gudub, oo ah adeegsidga hawada Sacuudiga , iyo weerarka Qatar.
Bartilmaameedka ay dalalka Carabta u noqdeen Israa’iil iyo walaaca heysta wuxuu soo de dejiyey in dib loo soo celiyo qorshahan, ay isbaheysiga ku sameynayaan dalalka islaamka iyo kuwa jaamacada carabta iyadoo Masar ay soo bandhigtay in saldhigga laga hirgeliyo dhulkeeda , hoggaaminta koowaadna ay yeelato, kadibna taliyaha taliskan uu noqdo mid wareegto ah oo ka yimaada 22 dal ee xubnaha ka ah Jaamacadda, Inta lagu guda jiro shrika dooxa ka socdo ayaa la filayaa in la horumariyo qorshahan kadibna lagu dhawaaqo, taas oo israa’iil ku ah dharbaaxo culus.
Sida la wada ogyhahay Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka , sidoo kalena ah la taliyaha amniga , Marco Rubio ayaa gaaray bariga dhexe , iyadoo sidii la filayey aanu tagin Qatar, taa baddelkeedana uu ka deggay Israa|l, waana arrin bannaanka keentay taageerada tooska ah ee uu Mareykanku u muujinayo israa’iil.
Dowladdaha Carabta ayaa tallaabadan si aad ah uga carooday, iyagoo muujinaya in qatar aanay u qalmin hab dhaqankaasi maadaama dooxa ay tahay xulufo u dhaw Mareykanka isla markaana marti galisay saldhiga ugu weyn ee uu bariga dhexe ku leeyahay.
Haddana kadib weerarka socdaalkii uu washington ku tagay Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo in israa’iil uu ku horumaro Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bidhaamineysa kala duwanaanshaha hab-dhaqanka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.
Tallaabadan ayaa Carabta ku qasbeysa in ay sameystaan is baheysi ay isku difaacaan, waxaana muuqata in dalalka khaliijka ay ku soo dhaceen dabin iyo bannaan cad, iyadoo aan loo oggolaan fursad yar oo ay naftooda cududaar ugu sheegaan!
dhanka kale Wargeysyada ka soo baxa gudaha Israa’iil ayaa ku waramaya in kadib weerarkii lagu qaaday Qatar, uu Turkigu noqon karo bartilmaameedka xiga ee Israa|l ay weerarri doonto,, waxaana haddii ay taasi dhacdo ay Isaa|l wajihi karto xaalad masiibo ah.
Turkiga oo durbaba maanka ku haya in arrintaasi ay suura gal tahay ayaa soo bandhigay nidaam cusub oo difaac, isagoo sidoo kalana qaaday tallaaboyin culus oo lagu adkeynayo amniga gudaha dalkaasi, iyo goobaha ay ku sugan yihiin masuuliyiinta xamaas ee xafiisyada ku leh Turkiga.
Inkastoo Golaha guud ee Qaramada Midoobay uu cod aqlabiyad leh ku taageerray xalka labada dawladood iyo dhismaha dawladd Falastiin ah oo madax bannaan, haddana Israa|l ayaa maalintii shanaad waxay ka wadaa marinka Qasa , duqeymo taxane ah oo lagu burburinayo dhismayaasha ku haray Qasa, taas oo ah xasuuq loo geysanyo rayidka falastiiniyiinta duniduna ay indhaha ka daawaneyso,