Caasho Cumar Geesdiir waa Macallimad Culuunta Badda iyo dabaasha ku soo baratay dalka Sweden, waxanay markii ay dalka Dib ugu soo laabaty ay tababar dabaasha ah iyo sidii loo badbaadin lahaa dadka xeebaha ku geeriyooda u sameysay dhallinyaro Soomaaliyeed oo gabdho u badan waxanay u ololleysaa sidii haweenka loogu sameyn lahaa xeebta gudaheeda meelo u gaara ee ay ku dabaashaan si loo ilaaliyo amnigooda.
Caasho ayaa ugu horreyn ka warbixinaysay khatarta badda ka jirta iyo noocyad ay isugu jiraan dhallinta ku geeriyoota, waxeyna tiri “Xeebtan liido waa meesha ugu badan ee ay dadku u soo dalxiis iyo dabaal tagaan waxaana dhacda in mar kasta ay kugeeriyoodaan dhallinyaro da,doodu u dhaxaysa 15 ilaa 30 jir waxana arrintaas ugu wacaan iyadoo aanay jirin dad loo tababaray inay badbaadiyaan dadka xeebta u soo dabbaal tagaya sidaad awgeed annagu waxaan samaynay dhallinyaro gabdho u badan oo u tababarnay inay wax badbaadiyaan”
Caasho waxa ay sidoo kale xustay in Kalluumaysatada doonlayda aysan haysan qalab wanaagsan, taasina ay keentay in iyaguna ay halis la kulmaan, waxaana mararka qaar ku adag in ay soo kalluumeystaan cimilada awgeed.
Gudoomiyaha degmada Cabdicasiis Rooda Cabdi Cali oo degmadeedu ay ku taallo xeebta liido ayaa qubanaha Hortabin u sheegtay in xeebta liido ay ka jirto labo arimood oo Qatar ku ah nolosha dadka xeebta u soo dabbal tagta kuwaas oo Kala ah olyada ay doonlaydu ku daadiyaan xeebta iyo iyagoo aan lahayn boosteejo u gaara, taasoo keenta in ay iyagu doonta ku dhuftaan dadka xeebta ku dabbaalanaya.
Dhinaca kale Kalluumaysatad Soomaaliyeed ayaa sheegaya in dhibaatada ugu badan ee haysata ay tahay iyagoo aan haysan qalab iyo isgaarsiin ay ku wada xiriiraan iyaga dhexdooda, waa arrin soo de-dajisa in doonley badan lagu waayo gudaha badda, halkaas oo ay qaarna ku dhintaan halka kuwo kalana ay dalal shisheeye tagaan iyagoo ambad ah.
Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaamaa inay leedahay xeebta ugu dheer Afrika waxana gudaha xeebaha soomaaliya ku nool sida qubarada aqoonta u leh ay sheegen ilaa Lix Boqol oo noocyo kala duwan oo kalluun ah kuwaas afar boqol oo ka mid ah ay yihiin kuwa laga ganacsado hadana nasiib darro Soomaalidu ma ahan kuwa ku bararugsan kheyraadka badooda dhex ceegaaga.