(Hortabin Media) – Saacadihii ugu danbeeyey warar kala duwan ayaa ku soo kordhay xaaladda colaadeed ee ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan xasuuqa ay Israa’iil ku heyso Falastiiniyiinta.
Xalay Weerar dhinaca dhulka ah ayey Israa’iil ku qaaday Waqooyiga Qaza, waxeyna adeegsatay hub culus, iyadoo soo dhaqaajisay Taangiyadeeda dagaalka.
Israa’iil ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen wax ay ugu yeereen argagixiso, iyagoo duqeeyey kaabayaashii dhaqaalah iyo xarumaha hubka lidka ku ah taangiyada.
Weerarka Israa’iil ayaa ku soo aaday saacado kooban kadib goortii Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu sheegay in Israa’iil ay u diyaar garoobeyso weerar dhulka ah oo ay ku gasho Gaza, waxaana weerarkan ka dhashay khasaare kala duwan.
Xilli uu isi soo tarayo baaqa bani’aadminimo ee ka soo yeeraya dunida Islaamka, ayey Israa’iil muujineysaa in ay dhagaha ka fureysato baaqyadaasi nabadeed, waana kuwo joogtenaya xasuuqa shacabka birimageydada ah ee Falastiiniyiinta.