Ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu oo dhawaan la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa sheegay in Isra’iil ay iyadu u taalo danaha la xiriira sidii ay isaga difaaci lahayd weerar walba oo uga imanayo kuwo ka soo horjeeda.
Warka ka soo yeeray Netanyahu, ayaa xiisada sii adkeynaya, xilli dalalka reer galbeedka gaar ahaan kuwa xulufada la ah Isra’iil ay Netanyahu ku caddaadinayaan inuusa ka jawaabin weerarkii dhawaan gilgilay Israa’iil.
Midowga Yurub, Mareykanka iyo dalalka warshadaha ku horumaray ee G-7 ayaa kal hore muujiyey in Isra’iil aysan ka aargudan doonin weerarkii dhawaan uga yimid Iran.
Xukuumadda Telaviv ayaa u mahadcelisay madaxda dalal ka mid ah kuwo Yurub, kuwaas oo sida ay sheegeen u muujiyey garab Istaag, waxaana hadalka ka soo baxay Xafiiska Netanyahu lagu bogaadiyey wasiirka arrimaha dibadda Jamralka Annalena Baerbock iyo dhiggeeda Ingiriiska David Cameron, oo Israa’iil sheegtay in ay taageero siiyeen.
Dhanka ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa ka dhawaajiyey inuu gantaallo ku weeraray saldhig millatari oo ku yaalla waqooyiga Israil, waxaana weerarkaasi ay ku macnaayeen mid ay Israa’iil uga aargudanayeen.
Israa’iil oo weerarkaasi niyad jab xooggan ka dhaxashay ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 14 askari, taas oo ah tiro aan la shaacin karin rasmi ahaanshaheeda.