(Hortabin Media) – Maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland oo la filayey in ay ka billawdaan wajiga labaad ee dagaalka Al Shabaab ayuusan ilaa waqtigan ka billaaban sababo badan awgood.
Dagaalka oo xoogiisa iminka ka socdo gobollada dhexe ayaa sababeysa in dowladdu ay awood u weyso in furin kale ay ka furto maamulladan, kuwaas oo sida la ogsoon yahay ay ku dhuumaaleysanayaan Al Shabaab.
Sida qorshuhu yahay marka uu soo gebagaboobo gulufka Al Shabaab ee gobollada dhexe, ayey dowladdu u jiheysan doontaa maamullada Koonfur galbeed iyo Jubaland.
Waqtigaas waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu saldhig ka dhigto labbo magaalo midood, kuwaas oo kala ah Kismaayo ama Baydhabo, si uu uga hoggaamiyo dagaalka qeybtiisa koonfurta Soomaaliya.
Deegaanada maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa ah, kuwo ugu badan ee ay ku sugan yihiin Al Shabaab, waxeyna gacanta ku hayaan deegaanno dhowr ah.