Ciidamada ATMIS ayaa lagu wadaa in dhawaan ay faarujiyaan Dekadda Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo ay iminka amnigooda u xil-saaran yihiin.
ATMIS, ayaa goobahan ku wareejin doonta ciidamo Soomaaliyeed, kuwaas oo si gaar ah ugu tababaran ilaalinta goobahan.
Wareejintan ayaa dhici doonta inta lagu guda jiro, sanadka soo socda ee 2024-ka, markaas oo dhamaadkiisa la qorsheynayo in ay ATMIS ka baxdo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Dhawaan ATMIS ayaa wareejisay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee VIlla Soomaaliya, taas oo ay amnigeeda xaqiijinayeen in ku dhaw 16 sano, waxaase dhawaan kala wareegay ciidamo Soomaaliyeed oo lagu soo tababaray dalka Serbia.